Maxay tahay cabsida la soo daraistay Soomaalida dalka Finland ?

20-:July-2023- BBC & VOA

Maxay tahay cabsida la soo daraistay Soomaalida dalka Finland ?

Soomaalida ku nool dalka Finland ayaa walaac ka muujiyay isbedal ay sheegeen inuu ku yimid siyaasadda dalkaas, gaar ahaan shuruucda ku aaddan soogalootiga oo ay sheegeen in uu sababi karo naceb cunsurinimo oo lagu beegsado iyaga kadib markii ayxukuumada dalkaasi xilal sare ka heleen xisbiga xagjika ah ee lagu magacaabo Finns Party,

Sida caadiga ah dalalka Yurub waxaa mar waliba ku lollama hoggaanka dal kasta labo xisbi oo uu midna taageero soo galootiga halka kan kalana uu diido iyagoo ku muujiya ololahooda kana dhawaajiya in ay yareyn doonaan dadka soo galootiga ah.

Bishii April ee sanadkan ayaa waxaa xukuumadda dalkaas jagooyin waaweyn ka helay xisbi xagjir ah oo lagu magacaabo Finns Party, waxaana hogaamiyaha xisbigaas oo hadda ah wasiirka maaliyadda ay todobaad ka hor raaligelin ka bixisay qoraallo cunsuriyad xambaarsan oo ay baahisay 15 sano ka hor.

Axmed Xasan (Axmed Towxiid) oo ah guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalida ee dalka Finland oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in bilihii la soo dhaafay ay dhaqan galeen shuruuc wax u dhimaya soogalootiga dalkaasi.

Shuruucdaasi kadib jaaliyadda Soomaalida ah ee dalka Finland oo uu Axmed hoggaamiyo waxa ay soo saareen bayaan ay ku muujinayaan saameynta xisbiga xagjirka ah uu ku yeelan karo soo galootiga gaar ahaanna Soomaalida.

Finland

Axmed Towxiid oo sharraxaya waxa ay ka cabanayaan ayaa yiri “dowlad cusub ayaa dhalatay bishii April dowladda cusubna waxaa kujira xisbi xagjir ah, marka waxa ay noqotay guddoomiyiha xisbiga xagjirka ah in ay arrimo cunsurinimo ah ku hadli jirtay oo dib mediyaha loosoo dhigay taas oo anaga Soomaali ahaan si gaar ah noo taabaneysay, waana wax aad looga naxo runtii, taas ayaa keentay bayaanka aan soo saarnay iyadoo xitaa adduunka oo dhan laga dhaleeceeyay.”

Axmed oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “xisbigan oo dhan ayaa ajandahoodu ku dhisanyahay yahay xagjirnimo Islaam nacayb iyo ajaanib nacayb, kaligoodna kaligeed maaha ee waxaa jira axsaab iyo siyaasiin kale oo ay adagtahay in la aamino. ayuu yiri”

Qaab siyaasadeedka dowladda cusub oo dhowaan soo baxay ayaa u muuqda mid si aad ah uga duwan kii hore, taasi oo iyaduna ay soomaalida walaac ka muujiyeen.

Gudoomiye Axmed Towxiid oo sharraxaya is bedelka siyaasadeed ee xisbigan ayaa yiri “ barnaamijka siyaasadeed ee dowladdan cusub ay dhigteen bishii juun ayuu soo baxay, barnaamijkaasina waxaa ku jira waxyaabo badan oo lid ku ah ajaanibka oo Soomaaliduba ay kamid tahay.

Sida sharci qaadashada oo runtii ay aad ugu adkeeyeen in luuqadda ay si fiican u yaqaanaan, sida dadkii la’isku keeni jiray ama dacwadaha reeraha midoobaya iyadoo awalba horay u adkeyd haatanna lasii adkeeyay,tan kale oo runtii naxdinta nagu noqotay ayaa ah tan dhalashada ee horraan lagu qaadan jiray shan sano haatanna ay ka dhigeen illaa siddeed sano, marka iyagu waa in ay adkeeyaan wax waliba oo la xiriira ajaanibta iyadoo ka muuqata barnamijkooda siyaasadeed. Ayuu yiri”

Dad Soomaalida ah ee ku nool Finland ayaa isugu jira kuwo cusub iyo kuwo xilli galay dalkaasi, balse sharciyada iyo siyaasadda xisbigan ayaa u muuqata in ay saameynayaan guud ahaan soo galootiga si kastoo ay usoo kala horreeyeen.

Guddoomiayaha jaaliyadda ayaa yiri “Soomaalida dagan Finland waxa lagu qiyaasaa marka loo eego tirokoobkii ugu dambeeyay illaa 23,000 iyagoo 18% boqolkiiba ay ku dhasheen dalka, dadku waa kala baahi xitaa dadka la qabsada joogista wadan kana shaqeeya hay’adaha waaweyn laftigooda waxa ay la kulmaan cunsurinimo.”

Waxaa xusid mudan in Finland ay ka dheceen dibad baxyo ay ka qayb qaateen qaybaha kala duwan ee bulshada isla markaana lagu diidanaa cunsurinimada iyo taxadiyada ay la kulmaan dadka ajaanibta ah.

Ma aha finland oo kaliya dalalka Yurub ee ay Soomaalidu ku noolyihiin isla markaana lagasoo tebiyo falalka la xiriira cunsurinimada lagula kaco dadka soo galootiga ah, iyadoo hadba saameynta ay keeni karto xisbiga markaasi haya talada dalka.

Halkan Hoose Guji Si,aad VOA uga dheehatid dhameeysirka sheekadan

https://www.voasomali.com/a/7188449.html