20- July-2023

Andre Onana: Manchester United ayaa dhamaystirtay 47.2 milyan ginni goolhayaha Inter Milan
Manchester United ayaa dhamaystirtay saxiixa goolhaye Andre Onana oo ay kaga soo iibsatay kooxda Inter Milan aduun dhan £47.2m (55m euro) si uu bedelo David de Gea
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Cameroon, oo 27 jir ah, ayaa saxiixay qandaraas shan sano ah, iyadoo uu ikhtiyaar u yahay 12 bilood oo dheeri ah.
Heshiiska ayaa qiimihiisu yahay 43.8 milyan ginni oo lagu daray 3.4 milyan ginni oo suurtagal ah, goolhayihii hore ee Ajax ayaa qarka u saaran inuu ku biiro kooxda United safarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee Mareykanka.
“Inaad ku biirto Manchester United waa sharaf aan la rumaysan karin,” ayuu yidhi.
“Nolosheyda oo dhan waxaan u shaqeeyay si adag si aan u gaaro xilligan, anigoo ka soo gudbay caqabado badan oo jidka ku jiray.”
Onana ayaa bedeli doona David de Gea oo ah dooqa koowaad ee goolhayaha United, iyadoo ciyaaryahanka reer Spain uu ka tagay July markii uu dhacay qandaraaskiisa ka dib 12 sano oo uu joogay kooxda.
âIn aan ku soo baxno Old Trafford si aan u difaacno yoolkeena oo aan wax ku biirinno kooxda waxa ay noqon doontaa khibrad kale oo cajiib ah,â Onana ayaa hadalkiisa raaciyay.
âTani waa bilawga safar cusub oo aniga ii ah, oo leh saaxiibo cusub iyo hami cusub oo aan u dagaalamo.
“Manchester United waxay leedahay taariikh dheer oo goolhayeyaal cajiib ah, haatan waxaan bixin doonaa wax walba si aan u abuuro dhaxal ii gaar ah sanadaha soo socda.”
Onana waxa uu ka soo hoos ciyaaray maamulaha United Erik ten Hag todoba sano iyo badh oo uu la joogay Ajax, waxa uu kula guulaystey saddex horyaal, waxaana uu soo qaatay ganaax sagaal bilood ah 2021-kii markii uu ku xad-gudbay doping-ka.
Ka dib markii uu si bilaash ah ugu biiray Inter bishii Luulyo 2022, Onana wuxuu ka caawiyay Talyaaniga inay gaaraan finalka Champions League xilli ciyaareedkii hore, halkaasoo ay 1-0 ku garaacday kooxda heysata horyaalka Premier League ee Manchester City.

Manchester United ayaa laga yaabaa inay weydo saxiixa xiddiga Atalanta ee Rasmus Hojland iyadoo Paris Saint-Germain ay wadahadalo la furtay weeraryahanka.
Fabrizio Romano ayaa wariyay in United ay qarka u saaran tahay inay weyso Hojlund xilli PSG ay wadahadalo kula jirto xerada ciyaaryahanka. Saxafiga ayaa sidoo kale sheegay in xiddiga heerka caalami ee dalka Denmark uu mar hore heshiis shaqsi ah la gaaray Red Devils, islamarkaana uu soo dhow yahay dalabka.
Hojlund ayaa wacdaro ka dhigay kooxda Atalanta isaga oo 20 jir ah waxana uu kooxda u dhaliyay 10 gool oo waaweyn halka uu sidoo kale u saftay lix kulan una dhaliyay 6 gool Denmark.
Atalanta ayaa lagu soo waramayaa inay ku dalbaneyso lacag dhan 70 milyan oo Yuuro (£60m/$78m) weeraryahanka, waxaana ay dooneysaa in lacagta lagu bixiyo kaash. Waa la arki doonaa haddii midkood United ama PSG ay rabaan inay gaaraan tiradaas

Alvaro Morata ayaa lagu soo waramayaa in uu tijaabiyay fikradda ah in uu aqbalo dalabka kooxda sucuudiga ee Al-Shabaab, taas oo walwal ku abuurtay Roma iyo Inter.
30 jirka reer Spain ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu ku laabanayo Serie A xagaagan, iyadoo labada Giallorossi iyo Nerazzurri ay u dagaalamayaan sidii ay uga soo wareegi lahaayeen Atletico Madrid, halkaasoo lagu burburin karo qandaraas ku dhow 20 milyan euro.
Warbixinadii ugu dambeeyay ee warbaahinta ayaa soo jeedinayay in Roma ay tahay dookhiisa uu doorbidayo, laakiin xaddidaadda dhaqaale ayaa la macno ah inaysan si toos ah u xiri karin heshiiska, halka Inter ay sidoo kale u shaqeyso Arsenalâs Folarin Balogun.
Sida ay ku warantay AS via TMW, Morata waxa uu dalab qaali ah ka helay Al-Shabab, wax uu u xaqiijiyay wargeyska Isbaanishka Amiir Abdulrahman Bin Turki Bin Abdulaziz.
Wuxuu yiri: “Haa, waxaan u bandhignay Morata dalab, waxaana rajeyneynaa inaan xirno wada xaajoodkan sida ugu dhaqsaha badan. Dhanka Carrasco, ujeedka ciyaaryahanka inuu ku biiro Al-Shabab iyo mashruuciisa weyn

Sadio Mane ayaa wadahadalo kula jira Cristiano Ronaldo oo ku biiray Al-Nassr hal sano ka dib markii uu ka tagay Liverpool
Waxaa jirta suurtogalnimada weeraryahankii hore ee Southampton inuu ku biiro kooxda Saudi Arabia, hal sano uun ka dib markii uu ka tagay Liverpool.
Sadio Mane, oo waqti adag ku soo qaatay Bayern Munich, ayaa hadda wada xaajood kula jira Al-Nassr, sida laga soo xigtay The Athletic.
31 jirkaan ayaa xagaagii hore Bayern kaga soo biiray Liverpool aduun dhan 35 milyan oo ginni isagoo u saxiixay heshiis seddex sano ah ilaa 2025. Weeraryahanka ayaa awoodi waayay inuu ka tago muuqaal waara isagoo dhaliyay kaliya todobo jeer 25 kulan oo horyaalka ah.
Cristiano Ronaldo ayaa Al-Nassr kaga soo biiray Manchester United bishii December ee la soo dhaafay, kooxda ayaana tan iyo markaas la soo wareegtay xiddigo waaweyn xagaagii. Waxa ay horay ula soo wareegeen Marcelo Brozovic oo ay kala soo wareegeen Inter Milan iyo Seko Fofana oo ka yimid Lens, waxaana ay rajeynayaan inay soo afjaraan saxiixa daafaca reer Portugal, Alex Telles.
James Trafford: Burnley ayaa la soo wareegtay goolhayaha Manchester City heshiis afar sano ah oo ku kacaya 19 milyan ginni
Kooxda dhawaan soo dalacday ee Burnley ayaa goolhaye James Trafford kala soo wareegtay Manchester City heshiis afar sano ah oo uu ku kacayo ilaa 19 milyan ginni oo ay ku jiraan waxyaabo dheeri ah.
City waxa ay haysataa 20% qiimaha lagu burburin karo iibka iyo dib u soo iibsiga oo ku jira heshiiska, kaas oo ah 15 milyan oo ginni oo hore ah iyo 4 milyan oo ginni oo dheeri ah.
Trafford, oo 20 jir ah, ayaan weli kasoo muuqan Premier League, waxaana labadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay uu amaah kula joogay League One Accrington iyo Bolton.
Burnley ayaa wajihi doonta kooxda horyaalka heysata ee City kulankooda furitaanka horyaalka 11ka Agoosto.
Laga soo bilaabo beerta ilaa final – sheekada Trafford
Heshiiska 19ka milyan ginni ayaa ka dhigi doona saxiixii rikoorka ahaa ee Burnley ee Traffrod, isagoo dhaafi doona 15 milyan ginni oo ay ku soo iibsadeen Chris Wood iyo Ben Gibson 2017 iyo 2018 siday u kala horreeyaan.
Waxa uu noqonayaa saxiixii labaad ee weyn ee Burnley maalmo gudahood ka dib markii ay kooxdu xaqiijisay imaatinka weeraryahanka Switzerland Zeki Amdouni oo uga yimid Basel lacag aan la shaacin Arbacadii.
Traffrod ayaa ilaashatay lix kulan oo shabaqeeda gool ah iyada oo England ku guulaysatay koobka qaramada Yurub ee 21 jirada iyada oo aan wax gool ah laga dhalin horaantii bishan.
Burnley ayaa sidoo kale xagaagan la soo wareegtay daafaca Republic of Ireland Dara O’Shea, halka amaahda Jordan Beyer uu kaga soo biiray Borussia Monchengladbach uu noqday mid joogto ah bishii May.
