20- July-2023
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa weerar ku qaaday saldhigyo ay Alshabaab ka sameysteen wadada isku xirta Degmada Wanlaweyn iyo Degmada Buur Hakaba ee dowlad goboleedka Koofurgalbeed.
War ay daabacday warbaahinta dowlada federalka ayaa lagu sheegay in howlgal maalintii labaad ay fuliyeen ciidamada dowlada ay ku burburiyeen xarun ay Alshabaab ku lahayd deegaanka Jameeco ee gobolka Bay oo ahayd goob ay ku cuna qabateeyaan Shacabka ku nool Gobalkaas.
“Hawlgalkaan oo dhacay maqribnimadii caawa ayaa lagu dilay maleeshiyaad gaaraya 15 khawaarij ah kuwaas oo ay ku jiraan saddex Horjooge.”ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay dowlada federalka.
Waa hawlgalkii labaad oo muddo 24 saac ah ka dhaca wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo gaar ahaan inta u dhaxaysa Leego iyo Buurhakaba halkaas oo Khawaarijtu ay isku dayaysay in ay xanibaan gaadiidka dadwaynaha si ay u dhibaateeeyaan Shacabka.”ayaa lagu sheegay qoraalka.
Ciidamada xoogga dalka ayaa doonaya inay gaadiidka xamuulka qaada ee ku xayiran wadada u dhexeysa Wanlaweyne iyo Baydhabo ay u gudbaan caasimada kumeelgaarka ah ee Maamul Goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya ee Baydhabo.
Sicir barar badan ayaa laga dareemaya magaalada Baydhabo iyadoo sicirka cuntada iyo shidaalka uu gaaray heerkii ugu sareeyay sanadihii la soo dhaafay.