20-‘July-2023- Muqdisho
Hay’adda Taya-Dhowrka Iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Oo Heshiis Mihiim Ah Gaaray
Mareeyaha hay’adda Taya-dhawrka Marwo Xaawo Axmed Xasan iyo Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustaf Yasiin Sheekh ayaa heshiis ku kala saxiixday xarunta hay’adda Tayadhowrka.
Ujeedada heshiiskan ayaa ah in la sameeyo habraac mideysan oo lagu maareeyo soo dejinta qalabka isgaarsiinta elektarooniga ah ee la keeno Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan heshiiskan wuxuu abuurayaa qaab-dhismeedka iskaashi ee dhex maraya labada hay’adood ee ku aadan arrimaha ay ka mid yihiin.
Dhismaha halbeegyada iyo heerarka qalabka elektarooniga isgaarsiinta (standardization of electronic comunicaiton equipments) iyo ogolaanshaha nooca qalab isgaarsiineed ee Soomaaliya la keeni karo (Type Approval Certificate) iyo La dagaallanka ganacsiga sharci darrada ah ee soo dejinta qalabka isgaarsiinta elektrooniga ah.
Munaasabada Heshiiskan ayaa waxaa goob joog ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Ticknoloajiyada Mudane Xuseen Axmed Culusow Maareeye ku-xigeenka hay’adda Marwo Suuban Cabdi Nuur Gaas iyo Masuuliyiin kale