Shirkadda Swedish ka ah ee Ericsson ayaa Indhaha ku heysa wararka sheegaya in Ciraaq ay joojisay ruqsadihii shaqo ee ay ku lahayd halkaas

21- July-2023- News Agencies”

Shirkadda Swedish ka ah ee Ericsson ayaa Indhaha ku heysa wararka sheegaya in Ciraaq ay joojisay ruqsadihii shaqo ee ay ku lahayd halkaas

Afhayeen u hadlay shirkadda Ericsson ayaa sheegay in dhacdooyinka Iswiidhan ay “aad uga xun yihiin caqiidada iyo qiyamka diimaha ee ay qiimeeyaan Muslimiinta adduunka” mana ka tarjumayso qiimaha ixtiraamka ee Ericsson.

Ericsson waxay ku leedahay Ciraaq shaqaale waqti-buuxa ah, kuwaas oo ammaankooda ay tahay mudnaanta koowaad ee shirkadda, ayay raaciyeen

Warbaahinta dawladda Ciraaq ayaa Khamiistii sheegtay in Baqdaad ay hakisay ruqsadaha iyada oo ka mudaaharaadaysa dhacdadii qur’aanka kariimka ahayd, laakiin Jimcihii la taliyaha ra’iisal wasaaraha Ciraaq ee arrimaha dibadda Farhad Alaadin ayaa sheegay in Ericsson aan shaqada laga joojin.

“Dhammaan heshiisyada qandaraaska ee ay gasho dowladda Ciraaq waa la ixtiraami doonaa, mana jirto shirkad laga joojiyay shaqadeeda, oo ay ku jirto Ericsson,” ayuu yiri Alaldin.

Wasiirka arrimaha dibadda Sweden Tobias Billstrom ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday safaaradda uu yahay mid aan gabi ahaanba la aqbali karin, wuxuuna sheegay in dowladdu ay si adag u diiday aflagaadeynta qur’aanka kariimka ah ama kitaab kale oo kale.

“Dowladda Sweden waxay fahamsan tahay in falalka guracan ee ay ku kacaan shaqsiyaadka banaanbaxyada ka dhacaya Sweden ay noqon karaan kuwo meel ka dhac ku ah Muslimiinta,” ayuu ku yiri hadal uu soo saaray.

犀利士 block-embed-twitter”>