22- July 2023- Hadhwanaag News
Maxaad Ka Ogtahay Danaha Uu Salka Ku Hayo Loollanka Loogu Jiro Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ?
Golaha Wakiillada Somaliland waxa uu maalinta axadda ah dooran doonaa Guddoomiyaha cusub ee Golahaas yeelan doona, ka dib markii Guddoomiyihii hore is casilay.
Hirdanka waxa uu salka ku hayaa dano siyaasi ah oo kala duwan oo dhinacyada ku loollamayaa mid walba dhinac iska tusay, waxaanay danahani yihiin kuwo saameyn siyaasi ah oo mustaqbalka ah yeelan doona.
Maxay yihiin danahan siyaasiga ahi,? Yaase leh.
1. Urur-siyaasaddeedka Kaah ee uu hoggaamiyo Maxamuud Xaashi, waxa uu si weyn ugu o犀利士 lolaynayaa Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), waa maxay sababta uu Guddoomiyaha ula doonayo Faratoon.?
Qodobadan ayaa gundhig u ah;
■In Faratoon yahay Saaxiib gaar ah oo Maxamuud Xaashi muddo rafiiq ku ahaayeen siyaasadda ilaa Barlamaankii beelaha oo ay ku wada jireen.
■Muddo ay siyaasadda ka ka wada maqnaayeen waxay saaxiib ku ahaayeen Qurbo ah oo ay isku magaalo deganaayeen.
XAYEEYSIIS
■Markii uu dalka ku soo noqday qayb weyn ayuu ku lahaa Maxamuud Xaashi soo noqoshadiisa iyo xilkii Wasiirnimo ee loo magacaabay.
■Labadan Masuul waxay ka soo wada jeedaan Gobolka Sool
■Maxamuud Xaashi waxa uu doonayaa in Guddoomiye kuxigeenkiisa Ururka Kaah, inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, isla markaana la degistii uu ku sameeyey doorashadii hore uu tan ugu abaal gudo, madaama sababta uu Kulmiye uga soo diga rogtay ay cadhadii uu ku qaatay guul daradii Kursiga Golahaasi.
2. Xisbiga Waddani waa maxay danta uu ka leeyahay inuu xilka Guddoomiyaha la doono Cali Xaamud, qodobadan ayaa sal ah arrintaasi
■In aanu jirin beddel reer Sool ah oo ay isku deegaan yihiin Cabdirisaaq Khaliif oo ka soo baxay Waddani oo ay ku dhisi karaan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, tani waxa ay keentay in ay ciyaaraan qorshe kale.
■Waxay dani siyaasi ah ka dhex arkeen Cali Xaamud Jibriil oo ah Guddoomiye kuxigeenka labaad, Isla markaana aan ka tirsanayn Xisbigooda, waxaanay ka arkeen dantii Khaliif ku dhiseen intii aanay colaad Laascaanood qarxin mid la mid ah oo ah codka Deegaankiisa.
XAYEEYSIIS
■In Hoggaanka Golaha Wakiilladu ka bixin gacanta Mucaaradka, madaama oo uu yahay gole jaangoyn weyn ku leh siyaasadda Waddanka, xilli loo diyaargaroobayo doorashooyin.
■Danta kale ee uu ka arkay Waddani Cali Xaamud, waa in deegaankiisa Gobolka Awdal oo hore booskii ay ku lahaayeen Hoggaanka KULMIYE laga saaray, Saylici xilka degayo in ay isbahaysi siyaasadeed oo sii xoojiya cududa taageero ee Awdal ku leeyihiin.
■In Hoggaanka Golaha Wakiillada oo ay helaan ay tahay mid sii kordhinaysa saameyntooda siyaasaddeed iyo doorka ay ka ciyaari karaan siyaasadda dalka iyo arrimaha doorashooyinka.
3. Waa maxay danta uu Kulmiye ka leeyahay inuu Faratoon noqdo Guddoomiyaha Wakiillada?
■Kulmiye awood uu keligii ku dhisi karo ma laha Faratoon, haseyeeshee waxa duruufta Xildhibaannada Kaah taageera midaysay waxay ay uga faa’idaysanayaan in guul u tahay in aanay reer Sool ka bixin saaxadda kursiga saddexaad ee dalka u sareeya iyo in ay ka cararto guul darro siyaasaddeed oo mar kale Golaha Wakiillada ka soo food saarta.
■Danta kale ee ay ka leedahay Faratoon ayaa ah in uu noqdo Biriijka isku xidha Goojacadde iyo Oog.
XAYEEYSIIS
■danta kale ee ay ka aragto ayaa ah inuu Mahad Cambaashe oo ay ehel yihiin Faratoon inuu helo moral uu kula sii joogo Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee danaha is hirdinaya ayaa Axadda kala calaf qaadi doona, iyada oo marka la eego doorashooyinka soo fool leh danaha isku sidkay Kaah iyo Kulmiye haddii ay guuleystaan aanay waxba uga tari doonin doorashooyinkaas, madaama oo aanu doorasho ka dhici kartaa aanay jirin deegaanka uu ka soo jeedo Faratoon, colaadaha ka jiraan awgood.
Halka haddii Mucaaradku ku guuleystaan ay taageero balaadhan ka heli karaan Gobolka Awdal oo cod badan yaalaan, iyaga oo xataa haddii ay ku guul daraystaan qorshahooda sii bixiyey sawir siyaasaddeed ah in Kaah iyo Kulmiye ka soo horjeedaan in reer Awdal heleen Kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.
Labdan xisbi ayaa doonaya in ay iyagu noqdaan guul iyo guul darroba Xisbi abaal weyn u galay reer Awdal, taas si hordhac ah u sii sheegayeen siyaasiyiin iyo Waxgarad kale oo reer Awdal ah oo hadlay
XAYEEYSIIS