23-July-23-Muqdisho
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa markii u horeysah ka hadlay wararka la xiriira inuu jiro xiriir wada shaqeyneyd oo dowladda Soomaaliya ah la leedahay wadanka Iran.
Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo ka jawaabayay su’aalo ay shaqada wasaaradiisa ka weydiinayeen guddiga arrimaha dibadda ee golaha shacabka ayaa beeniyay iney wax xiriir ah la leeyihiin dowladda Iiraan.
Ma jiraan diblumaasiyiin noogu qoran safaaradda Iran, kuwii noogu qornaa waan kasoo raranay. Haddiise ay jiraan shakhsiyaad iskood u tagay, waa wax gaar ah. Mana ahan wax ku sallaysan siyaasada wasaaradda” ayuu jawaab celinta ku yiri wasiirka arrimaha dibadda.
Wasiir Haruuse ayaa dhinaca kale beeniyay inuu jiro sarkaal ka tirsan wasaaradda, oo mushaar toos ah ka qaata safaaradda Iran ay ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isaga oo arrintaasna ganafka ku dhuftay