Madaxweyne Xasan Shiikh oo Roma uga qeybgalaya shirar heer caalami ah iyo kuwo heer gobol ah

24- July-2023- Roma

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Talyaaniga, halkaasoo ay kaga qeyb galayaan shirar caalami ah iyo kuwa heer gobol ah oo ka dhacaya magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgali doono madasha geeska Afrika iyo Talyaaniga iyo sidoo kale shirka caalamiga ee la dagaallanka cunno yarida iyo macluusha oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobay

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  ka qeybgalaya shir saddex geesood ah oo ay yeelan doonaan Soomaaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga, isagoo sidoo kale kulammo doceedyo ah la qaadan doona madaxda kala duwan ee ka soo qeyb-galeysa shirar kaas ka dhacaya magaalada Roma.