25- July-2024
Dasturka Puntland oo Isbeddel Lagu Sameeyey
Golaha wakiilada ee Puntland ayaa fadhigoodi maanta waxay si rasmi ah wax uga beddeleen dastuurka Puntland, gaar ahaan qodobada la xiriira Dorashooyinka iyo xasaanadda Xildhibanada.
Fadhiga waxaa ka soo qaybgalay Xildhibano gaaraya 60 Xildhibaan oo ka tirsan 66-da Xildhbaan ee golaha wakilada Puntland, tan oo ka dhigaysa tiradii ugu badneyd ee isu yimaada tan iyo doorashadii 2019.
54 Xildhibaan ayaa ucodeeyey wax ka bedelka Dastuurka, ee ogolaanaya in golaha Wa犀利士 kiilada, Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ay cod dadweyne ku imaanayaan, 4 xildhibaan ayaa diiday, halka hal mudane ka aamusay.
Baarlamanka Puntland, waxa laga hor akhriyey soojeedinta in 9-ka urur ee galay doorashooyinkii deegaanka ee tooska ahaa ay noqdaan xisbiyo, Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisana lagu soo doorto qof iyo cod, iyada oo dhinaca kale la kordhiyey codadka lagu waayi karo xildhibaanno oo laga dhigey 44 cod, halka uu hore u ahaa hal dheeri.
Dhinaca kale xaaladda magaalada Garoowe ayaa kala deggen, ka dib waan-waan ay tan iyo xalay wadeen isimmada dhaqanka, si ka duwan labaatankii bishii hore oo furista dastuurka dagaal ka dhashay.