Jaceylkii iyo caqabadihii uu la kulmay guurka Kajol iyo Ajay

25- July-2023

Atariishada Bollywoodka ee Kajol ayaa sheegtay in aabbaheed uu ka carooday markii uu maqlay warka guurkeeda, sababtoo ah wuxuu aaminsanaa inay wali aad u yar tahay.

Markii atariishada Kajol ay guursatay atoorihii ay wada shaqeynayeen ee Ajay Devgan, waxaa la aaminsanaa in muhiimadda aktarada guursaday ay hoos u dhacday waagaas.

Wareysi ay siisay BBC Hindi, ayey Kajol ku tiri, “Fikradda muhiimadda ay leedahay atariishada xaaska ah ayaa ku jirta maskaxda atariishooyinka laftooda, inkastoo fanaaniinta sida Sharmila Tagore, Saira Banu, Hema Malini ay hormar weyn gaareen guurkooda kadib.

Kajol oo ka hadlaysa sida uu aabbaheed uga xumaaday go’aankeeda guurka, waxa ay tiri, “Waxay ahayd arrin aad u weyn in aabbahay aanu ila hadlin, sidii buur soo dhacday. Laakiin markii dambe waxa uu yiri go’aankaagu wuu fiican yahay, laakiin waxa uu si cad u muujiyay in aanu ku faraxsanayn.

Waxay tiri, “Waxaan ugu jawaabay 10 sano ayaan shaqaynayay, sideen u yarahay?, hadda go’aanka guurku waa inuu kayga ahaadaa, waxaan u malaynayaa inaan diyaar u ahay inaan guursado, ka dib ilama uusan hadlin muddo toddobaad ah.”

Kajol ayaa sheegtay in kulankii ugu horreeyay ee Ajay Devgan ay isu sheegtay, “Kani waa qof saameyn ku yeelan doona nolosheyda. ‘

“Berigaas micna darro ma jirin, kuraas ayaan ku fariisannay, waxaana bilownay inaan sheekaysanno si aan caajiska uga baxno.”

Iyada oo ka hadlaya nolosheeda guur ee guulaysatay, Waxay tiri, “Ajay aad buu ugu dulqaatay codkayga dheer, waxa kale oo uu yiri waxaan jeclaan lahaa inaad leedahay badhan lagaa aamusiiyo.

Kajol oo hadalkeeda sii wadata waxay tiri, “Waxaa jirta sir lagu ilaaliyo xiriirka, taasina waa dadaal, inta aad dedaalka waddo xiriirka waad sii wadi kartaa, maalinta aad joojiso isku daygana waad guuldareysan doontaa”.

Waligey kama shallayn go’aankeyga

Hooyaday waxay i tababartay wakhti dheer ka hor, waxayna ii sheegtay sida qof weyni yahay. ‘

“Horta qofka weyni isagaa ka masuula go’aankiisa, samaan iyo xumaanba waxay ku imanaysaa go’aankaaga, waana inaad ku dhiirrataa inaad go’aannadaada qaadato, taasina waa sababta aan mar walba u dhegaysan jiray naftayda.”

Kajol waxay tiri, “Hooyaday way ku celcelinaysay oo waxay i bartay sida looga fikiro naftaada.”

“Kaftan aqoonnimadayduna dabcan waxay ka timid shaqadeyda, waxaan ku jilay dhammaan noocyada dareenka filimaanteyda, waxaan sameeyay go’aamo badan oo aan horay loo aqoon laakiin marnaba kama qoomameynin. “

Saameynta baraha bulshada

In badan ayaa lagu qoray baraha bulshada gabadha Kajol ee Nassa, haddaba sideebay u saameysaa iyada iyo carruurteeda?

Jawaabta su’aashan, Kajol waxay ka tiri, “Dadku si kasta ayay uga falceliyaan baraha bulshada. Dabcan saameyn ayay leedahay, laakiin waxaan u sheegayaa (carruurta) xitaa haddii dadka qaar ay sheegaan khalad, 999 ka mid ah kunka qof Waxay sheegeen waxyaabo wanaagsan. Waxaad raacdaa inta badan. Ha u fiirsan waxyaabaha xun.

Waxa ay tiri, “waxaan sidoo kale u walwalsanahay gabadheyda Nissa, iyadu waa 19 jir oo kaliya, waxyaabo badan ayaan ka soo baxnay da’dan, sababtoo ah ma jirin wakhtigaas baraha bulshada, waxay dareemaysaa xumaan, waxaana ku khasbanaaday in aan u sharxo in tani ay tahay oo kaliya fekerka shan qof. Waa fikrad oo kaliya wax micno ahna aan lahayn.

Hooyo, Samee filin aadan oynayn

Kajol ayaa sheegtay in carruurteeda aysan daawan filimadeeda.

Iyada oo sababta arrintan sharaxaysa waxa ay tiri, “Maxaa yeelay carruurtaydu aad bay ii jecel yihiin, wiilkaygu waxa uu igu yiri, hooyo aad baan kuu jeclahay, ma arki karo adiga oo oynaya. ‘

Kajol waxay tiri, ‘Ma hayn wax aan ugu jawaabo, markaa waxaan iska iri, ma arki doontid. ‘

Sida laga soo xigtay Kajol, wiilkeeda ayaa ku yiri, ‘Haddii aad sameyso filimka xiga, ha ku ooyn.’ Waxaana ugu jawaabay ma dhacayso taasi. Waa in uu jiraa filin aanan oynayn. ‘

“Wuxuu yiri maxaad u sameyn weyday filimada aabe oo kale sida Golmaal hai.”

Sido kale Kajol ilaa xad wey ku raacday wiilkeeda waayo waxay tiri waxaan rabaa inaan sameeyo majaajillo maadaama ay sidoo kale ka daashay oohinta.

iyada oo ka hadlaysa in carruurtedu ay kusoo biirayaan jilitaanka, waxa ay tiri, “Nasa hadda ma hayso qorshayaal caynkaas ah, laakiin marka ay doonayso in ay kusoo biirto, waanu garab istaagi doonnaa”. ‘