Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Tanzania

25- July-2023

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka qeyb galaya shir madaxeedka horumarinta bini’aadanka Afrika oo ka furmaya magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga warbixiyey Jaaliyadda guulaha Xukuumadda DanQaran ee ku aadden dowlad-dhiska Soomaaliya, dib-u-xoreynta dalka, deyn cafinta, kobcinta dhaqaalaha, arrimaha horumarinta bulshada, shaqo abuurka dhallinyarada iyo la dagaallanka Musuq-maasuqa, isaga oo ku bogaadiyey doorkooda ku aadden horumarka dalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka dhageystay xubnaha Jaaliyadda, xaaladda guud ee Soomaalida ku nool dalka Tanzania iyo doorkooda muhiimka ah ee ay ka qaataan dib-u-dhiska dalka.

Dhankooda, Xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Tanzania oo kulanka ka hadlay ayaa soo bandhigay sida ay isugu duuban yihiin, islamarkaana ay wada-shaqeynta dhow ula leeyihiin  Safiirka Soomaaliya u fadhida dalkaas Marwo Sahra Cali Xasan iyo guud ahaan Safaaradda.

Leave a Reply