27- July-2023
Shir lagu heshiisiinayo Beello walaalo ah oo isfahamkoodu xumaaday oo ku dagaalamay deegaannada u dhaxeeya Cadale iyo Raage Ceelle oo bari furmaya
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan ayaa maanta gaaray deegaanka Burka Diirimeed oo ay kusoo dhoweeyeen Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Imaam Daahir Imaam Maxamuud, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo Mas’uuliyiin kale.
Deegaankaan waxaa berri ka furmaya Shirka Dib u Heshiisiinta ee u dhaxeeya Beelihii Walaalaha ahaa ee dhowaan ku dagaallamay deegaanno u dhaxeeya Degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle.