31- July-2023- Muqdisho
Kulankan oo uu soo xiray Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadam ayaa waxaa ka qeybgaley Wasiir-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr Maryama Maxamed Xuseen, Dr Guuleed Cabdijaliil Sh. Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Agaasime waaxeedyada Wsaaradda Caafimaadka, Wakiilo ka socday Dowlad goboleedyada, Hey’addaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya Arrimaha Caafimaadka Soomaaliya xubno sare oo ka kala socday xafiisyada kale ee Dowladda Dhaqaatiir iyo kaadiriin dhanka Caafimaadka ah.
Kulanka oo soo idlaaday maanta oo ay taariikhdu tahay 31 bisha July 2023 ayaa lahaa ajando balaaran, waxaana ka soo baxay natiijooyin wax ku ool ah, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen ujeeddooyinka sida hawl-qabadka iyo xog wadaagga ku saabsan horumarinta Caafimaadka Soomaaliya iyo sii amba qaadida nuquladii horey uga soo baxay Shirarkii hore ee looga soo hadlay horumarinta Caafimaadka Soomaaliya
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka ayaa hogaaminaysay mowduuc walba, waxaana lagu soo bandhigay labadii maalin ee uu socday qodobbo waawayn iyo doodo la xiriira Caafimaadka dalka si dhammaan ka qaybgalayaashu ay wax ku biiriyaan, iyada oo ujeedadoodu tahay in la helo isfaham cad oo la isku raacsan yahay kuna wajahan ballaarinta iyo horumarinta Caafimaadka Qaranka.
Waxaa kulanka labadii maalin ee uu socday sidoo kale diiradda lagu saaray inta badan in la hawlgeliyo natiljooyinkii shirkii lagu qabtay Maajo 2023 magaalada Nairobi iyo in la xoojiyo hawlaha isku-duwidda Caafimaadka Soomaaliya si loo xaqijiyo gaarista hanaanka Caafimaadka dhamaystiran.
Xog ogaaladii ka soo qeybgaley kulanka ayaa doodaha iyo soojeedintoodu muujinaysa heerka isbed-bedalka Caafimaadka Soomaaliya iyo tallaabooyinka loo qaadey dhinaca horumarinta Caafimaadka guud ee Soomaaliya, waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa soo bandhiggida qodobo waawayn oo waxtar u leh jihaynta horumarka Caafimaadka dalkeena.
Doodihii ka qeybgalayaasha kulanka sedax billoodlaha ah ayaa looga hadlay horumarinta iyo sidii Soomaaliya u gaari laheyd yoolka Caafimaadka tayeysan ee loo dhan yahay iyada oo la kaashanayo saaxiibadda Caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Caafinaadka Soomaaliya.
Intii uu socday kulanka waxaa ka qeybgaley Agaasimayaal, xubno sare oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka socda Hay’adaha Caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya sidoo kalena ka qeyb qaata horumarinta Caafimaadka Soomaaliya.
Gebagebada kulanka ayaa laga soo saaray nuqulo wax ku ool ah oo muujinaya qodobadii diiradda ka saarey iyo sii wadida tallaabooyinka horumarinta Caafimaadka ee hadda maraya heer aad u fiican iyo sidoo kale xoojinta howlaha isku-duwidda Caafimaadka Soomaaliya.
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an hellitaanka Caafimaad dhamaystiran oo tayo leh islamarkaana ka hirgala guud ahaan dalka si loo gooro yoolka dowladda ee hagaajinta iyo xoojinta nidaamka Caafimaadka Soomaaliya.