Odayaasha dhaqanka beesha Xawaadle oo Iclaamiyay kulan Baladweyne ka dhici doona

3- August-2023- Baladweyne犀利士 p>

Waxaa maanta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kulan ku yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshaweynta beesha Xawaadle.

Kulankaan oo ay ka qeyb-galeen odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, aqoonyahanada, iyo dhalinyarada beesha Xawaadle ayaa waxaa looga arrinsanayay aayaha beesha iyo arrimaha kasoo cusboonaaday gobolkaasi.

Kadib markii uu soo idlaaday kulankaasi, waxay odayaasha dhaqanka beesha Xawaadle ayaa waxay ku iclaamiyeen shirweyne guud oo ka dhici doono gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Odayaasha Xawaadle iyo qaar kamid ah waxgaradka beesha oo warbaahinta la hadlay ayaa waxay sheegeen in shirweyne guud oo ay beesha kaga tashaneyso aayaheed uu ka dhici doono Beledweyne.

Shirweynahaan ayaa 11-ka bishaan August magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Shirkaan ayaa waxaa la sheegay iuu iclaamiyay Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Ugaas Yuusuf ayaa dhawaan dib ugu laabtay magaalada Baledweyne oo uu ka maqna mudo ka badan hal sano.

Waxaa dhici doono 11-ka bishaan kulan guud oo looga tashanayo Aayaha Beesha kadib shirkii 1-aad ee lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, shirkaana waa mid daba socda shirkii Nairoobi,” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka Beesha Xawaadle oo warbaahinta la hadlay.

“Ugaaska ayaa ku baaqay waxaana looga hadlaya aayaha beesha, waxaana kasoo qeyb galaya dhamaan waxgaradka beesha ee ku kala sugan dunida dacaladeeda.”

Shirkaan ay iclaamisay beesha Xawaadle ee ka qabsoomi doona Beledweyne ayaa la faliya inay kasoo baxaan go’aano ku aadan caqabadaha ka taagan Baledweyne ee ka dhashay xilka qaadistii Cali Jeyte.

Xiisadda Jeyte iyo maamulka HirShabeelle ayaa sababtay in Beledweyne looga dhawaaqo maamul la baxay Hiiraan State, kaasi oo uu madaxweyne ka yahay Cali Jeyte Cismaan.

Sidoo kale waxaa kusoo aadaya shirkaan xilli ay taagan yihiin tabashooyin kale oo ay beesha ka qabto xilalka ay ka heyso dowladda fedaraalka oo ay horay u sheegeen in aysan aheyn kuwa u qalma beesha