6- August-2023- News Agencies”

Elon Musk ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ku sheegay in dagaalka qafiska ee uu soo jeedinayo In uu la galo maamulaha Meta Mark Zuckerberg uu noqon doono mid si toos ah loogala socon doono bartiisa bulshada ee X, oo hore loogu yiqiin Twitter”
Khabiirada baraha bul犀利士 shada ayaa ka ganacsanayay faallooyin ku saabsan ciyaar faneed isku dhafan oo suurtagal ah inay ku dhaxmarto Labada maalqabeen Las Vegas tan iyo bishii June.
“Dagaalka Zuck v Musk ayaa si toos ah loogu daabici doonaa X. Dhammaan lacagaha soo gala waxay aadi doonaan samafal loogu talagalay halyeeyada,” Musk ayaa ku yiri boostada X Axadii, isagoo aan bixin wax faahfaahin intaas ka badan ah
Horaantii Axadii, Musk wuxuu ku sheegay X in uu “kor u qaadayay miisaankiisa maalintii oo dhan, isku diyaarinta dagaalka”,Zuckerberg isaga oo intaa ku daray in uusan haysan waqti uu ku shaqeeyo sidaas darteed uu naftiisa keenay miisaanka si uu u awoodo inuu tababarto.
“Waa nooc dagaal oo ilbaxnimo leh – “Raggu dagaalka aad bay u jecel yihiin”ayuu ku jawaabay Elon Musk kadib markii isticmaale barta X uu weydiiyay waxa uu dagaalka,
Inkastoo aaney jirin faallo degdeg ah oo ka timid Milkiilaha Meta Zuckerberg hadana Nimankan leh aaladaha bulshada waxay awoodi doonaan inay abuuraan xiiso aad u weyn ooy u badan tahay in uu noqon doono dagaalka loogu daawashada badan yahay taariikhda,”