Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhuusamareeb ka bilaabay kulamada Abaabulka Dadweynaha ee Xoreynta Dalka

6- August-2023- Dhuusamareeb

SONNA-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulamo gaar gaar ah la qaatay odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa kala hadlay sidii kaalin muhiim ah ay uga qaadan lahaayeen dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo deegaanada ay kaga harsan yihiin Galmudug.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in odayaasha dhaqanka Galmudug ay laf dhabar u yihiin qorshaha ciribtirka, isagoo ku nuux-nuux saday inay hormuud ka noqdaan abaabulka bulshada, wargelinta, hogaaminta iyo taakuleynta ciidamada qalabka sida.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in caqabadda ugu weyn ee haysata Galmudug ay tahay khawaarijta, si looga adkaadana loo baahan yahay in odayaasha Dhaqanku ay horseed u noqdaan midnimada shacabka, taageridda dowladda iyo in ay door weyn ka qaatan ku gacansiint壯陽藥 a Ciidanka Qaranka in ay dalka ka sifeeyaan argagixisada caadeystay daadinta dhiigga dadkeenna.

Chan good, odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa ballan qaaday in ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku garab istaagayaan sidii looga mira dhalin lahaa Soomaaliya xor ka ah argagixisada, waxa ayna sheegeen muhiimadda ay bulshada Galmudug u leedahay nabadda iyo wadajirka dhexdooda ah.