9- August-2923

Ugu yaraan 6 qof ayaa dhintay, 12 kalena way dhaawacmeen kaddib markii qarax 壯陽藥 wadada dhinaceeda lagu aasay uu qabsaday gaari kuwa dadweynaha ah oo marayay meel u dhaxaysa magaalooyinka Marka iyo Qoryooley ee gobolka sida uu gudoomiyaha gobolkaasi u sheegay wakaaladda warrarka ee SONNA.
Dad ku sugan Qoryooley ayaa sheegay in gaariga qaraxu haleelay uu ka yimid magaalada Marka kuna socday degmada Qoryooley, dadka saarana ay u badnaayeen, dad reer Qoryooley ah.
Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa, waxaase gobolka oo kamid ah meellaha ay dagaalladu ku dhexmaraan ciidamada Dawladda iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab, horey looga bartay Al-Shabaab inay miinooyin ku aasaan wadooyinka, iyagoo doonaya inay ku waxyeeleeyaan ciidamada Dawladda iyo kuwa Midowga Afrika.
