Kooxda Alshabaab ayaa ka laabtay xayiraad ay saareen Isgaarsiinta Hormuud, kadib markii uu culeeys kaga yimid dadka deegaanada

9- August-2023

Kooxda Alshabaab ayaa ka laabtay xayiraad ay saareen Isgaarsiinta Shirkadda Hormuud Telecom kadib markii uu culeeys kaga yimid dadka deegaanada 35 xaruumood oo xayiraadaasi ay saameeyn kuwaas oo ku yaal meelaha ay kooxdu wali maamusho

Isticmaalka EVC Pius oo ku xiran nolosha malaayiin qof oo ku sugan meelaha la xayiray ayaa kiciyay caro dadweyne iyadoo xayiraad kasta oo la saaro Hormuud ay la macna tahay cunaqabateynta malaayiin shacabka soomaaliyeed ee abaaruhu ay jilciyeen

Xayiraadahan ayaa la sheegay inay judo 9 bilood ah saameeyd xarumaha shirkadda ee degaanno ku yaalla Jubaland, Koonfur Galbeed iyo meelo ka mid ah Galmudug.

Horjoogayaasha Shabaab ayaa mudooyinkan danbe ku cadaadinayay Maamulayaasha Hormuud Telecom inay joojiyaan adeegga lacagaha mushaaraadka ciidamada dowladda ugu dhaco taleefanada, iyadoo hirgalinta dalabkaas ay shirkaddu u aragtay mid fargalin ku ah madaxbanaanida ganacsigooda

Dawladda Soomaaliya, shirkadda Hormuud iyo ururka al-Shabaab midkoodna weli rasmi ahaan ugama hadlin xayiraaddan, oo la sheegay inay soo taagnayd muddo ku dhow 4 bilood.

Leave a Reply