Maxay Ka Dhaxeeya Dhaqanka Shiicada iyo Midkii ay Somalidu ka soo guurtay ee Sanad Tirsiga Dabshidka ama Nayruuska.?

9- August-2023- Dheeho

Maxay Ka Dhaxeeya Dhaqanka Shiicada iyo Midkii ay Somalidu ka soo guurtay ee Sanad Tirsiga Dabshidaka Iyo Nayruuska?

Ciida Dabshidka Ama Nayruuska

Sooyaalka taariikheed iyo Wax ka beddel Asalkii hore ee Soomaalida Suniga ah ayaa u muuqda mid ay duulaan ku soo qaada shiicada oo raadad muuqda wali ku leh meelo ka mid ah dhaqamadeenii hore

Dabaaldeggu waxa uu asal ahaan ka soo jeedaa dhaqamadii hore ee Iran.

Iraaniyiintii hore waxay u dabbaaldegeen ciidda Nayruus oo lagu maamuuso Dabshidaka, iyaga oo Xafladda ku sweeyneeynaya Abuurista dabka iyo dadka.

Charshanbeh Suri waa ciida iiraan ee qoob ka ciyaarka dabka ee la xuso habeenka arbacada ugu danbeysa sanadka, ee qadiimiga ah …

Magaalooyin ay ugu weeyn tahay Tehran dadku waxay ku ururiyaan alwaax meel bannaan oo furan oo aan xaddidnayn ka hor bilowga xafladda. Marka qorraxdu dhacdo, ka dib markii ay sameeyaan hal ama in ka badan oo dab ah, waxay ka boodaan ololka, iyagoo ku heesaya sorkhi-ye to az man, zardi-ye man az to, oo macneheedu yahay “casaankaagu aniga ha ahaado, cirradayda adigaa leh”, ama deegaan u dhigma. Tan waxaa loo arkaa dhaqan nadiifin.[1]

Xagee la Isaga ekeeysiiyaa Shiicada & Soomaalida ?

“Dabshidku waa bilowga sannadka habeentiriska Soomaalida. Aqoonyahan dhaqameedka bulsho reer guura ah u go’aamiya habeenka dabshidku wuxuu isticmaali jirey, isugaynta bilaha qun-dhalad iyo kuwa toomman oo isku noqda 354 cisho, markaas buu ku dari jirey 11 cisho dhammaadka bisha carrafo. Halkaas buu wuxuu si lama-ilduufaan ah ugu simi jirey bilowga sannad qorrexeedka (xilliga roobka).

Markaa, tusaale ahaan, bisha dabshidku soo galayaa wuxuu is beddelaa saddexdii sannadoodba mar. Marka kowaad wuxuu dhacaa bisha horraanteeda, sannadka ku xigana bisha badhtankeeda, sannadka saddexaadna dhammaadka bisha.

Sannadka afraad buu u gudbaa bishaa bisha ku xigata, kuna nagaadaa saddex sannadood” sida uu xusay Jama Musse Jama, oo ah cilmi-baadhe ahna Agaasimaha Xarunta Dhaqanka Hargeysa.

Adigu meeqa jeer ayaad ka boodidoontaa Dabka?. Waxa uu ahaa halkudhiga mid ka mid ah warbaahinta afka soomaaliga ku hadasha

Berri waxaa bilaabanayo Sanadka cusub ee Somalida “Somali Solar Clendar” Dabshid, Istun, Saneysi, Badgal iyo Nayruus.

Badanaa waxa ay ku beegantahay dabayaaqada Bisha July.

Berri waa Talaado.

Aniguna waxaan dhaldhay Sanad Talaadaado ah, Dayrtii Balalaqda ee ka dambeeysay Gugii koomba Shillin.

Istunka Afgoi waxaa la bilaabay Casriyadii dhexe ee Boqortooyadii Ajuuraan, kadibna waxaa sharciyeeyay Suldaankii Galadiga, Suldaan Axmed yusuf Qarnigii 19aad.

Saneeysiga waxaa aad looga yaqaan Sh/dhexe.

Xamar weyne iyo Shabgaani ayaa si fiican looga yaqaan Dabshidka & Bad galka oo soo jiray 800 Sano.

Nayruus waxaa laga yaqaan Gobalada waqooyi- Magacana waxaa laga soo Qaatay Dalka Iraan.

Deegaanna badan oo Somaliya ahna siyaabo kala duwan ayaa looga xusaa.

Waxaa ka mid ah Caadada Dabshidka in Dab la shido oo Qof waliba uu ka boodo Dabka tiro la eg inta sano ee uu jiro.

Dalalka ay Dadkoodu Shiicada Yihiin Isticmaala Sanad Tirsiga Dabshidka Ama Nayruuska

calledFharshanbe Soori
Observed by Iran
 Iraqi Kurdistan
 Azerbaijan
 Afghanistan
 Tajikistan
Elsewhere by Iranian diaspora
TypeNational, ethnic, cultural
DateThe last eve between Tuesday and Wednesday of the year, before the vernal equinox
FrequencyAnnual
Related toNowruzSizdebedar

Leave a Reply