Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
11- August-2023 BBC
Muddo dheer waxaa jiray, laakinse dhawaanahan lag soo baraarugay maleeshiyaadka hubaysan oo dawladuha dunidu u isticmaalaan inay kula dagaallamaan kooxo kale, marka dambena ku noqda wax aysan xakamayn karin.
Mid mid ayaan isu dul taagi doonnaa kuwooda ug caansan, ama ka jira Soomaaliya iyo dunida qaybaheeda kale, ka dibna waxaan eegi doonnaa sababta ka dambaysa in la sameeyo iyo sida ay u shaqeeyaan.
Al Qaacida
Waxaa la rumaysan yahay in kooxdan ay samaysmeen sannadihii todobaatameeyadii, markaasoo uu Ruushku haystay Afghanistan.
Xilligaas waxaa meel sare marayey dagaalka qabow ee u dhaxeeyey bariga iyo galbeedka oo ay labada dhinac kala hogaaminayeen, laakinse dagaal toos ah kama dhaxayn.
Qolaba qolada kale waxay ku kicinaysay kooxo ka soo horjeeda iyo jabhado. Usama Bin Laden wuxuu xilligaas saaxib dhow la ahaa Ameerikaanka, sidaa darteedna waxaa u sahlanayd inuu dal Muslim ah ka dhex dagaallamo isagoo shaar diimeed huwan.
Taas waxay keentay in Ruushka uu iska caabbin xoog leh la kulmo, kana baxo Afghanistan, laakin saaxiibadii hore – Maraykanka iyo Bin Laden – ayaa isku soo jeestay, toban sano ka dibna waxaa billowday in Maraykanku uu Bin Laden ugaarsado, ilaa markii dambe awoodda Al Qaacida ay banaanka timid oo ilaa maanta la xakamayn la’ yahay.
Wagner Group
Waa shirkad gaar loo leeyahay oo hawlaha milateriga qabata, laakinse reer galbeedku u aqoonsan yihiin maleeshiyo calooshood u shaqaystayaal ah. Waxay toos ugu lug yeelatay dagaalka Ukraine, iyo dagaallo ka dhacay Afrika iyo Bariga dhexe, gaar ahaan waddamo uu dano ka lahaa Ruushka.
Waxaa madax ka ah Yevgeny Prigozhin oo ay mar saaxib ahaayeen madaxweynaha Ruushka ka hor intii uusan Progozhin isku dayin inuu inqilaabo Putin muddo laba bilood laga joogo.
Hawlaha milateriga kaliya ma aha ee wuxuu qaban jiray hawlaha borobagaandada, wuxuuna xataa ka awood badnaa milateriga Ruushka, ayagoo haystay hub la mid ah ama u dhigma kan ciidanka Ruushka.
Prigozhin wuxuu ka hodmay qandaraasyo malaayiin Doollar ku kacaya oo dawladda Ruushka uu ka haystay, wuxuuse u bogi waayey saraakiisha hogaaminaysay dagaalka Ukraine oo toos ay isugu dheceen. Saraakiishaas waxaa ku jiray wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidamada. Taa waxay keentay inuu caradiisa xakamayn waayo uuna ciidankiisa u soo dhaqaajiyo Moosko si uu xukunka uga tuuro Putin.
Dhexdhexaadin uu ka galay madaxweynaha Belorus ayaa lagu qanciyey in aan talaabo laga qaadin, ciidanka Wagner-na ay dalka ka baxaan ama ciidanka Ruushka ku biiraan.
Miliishiyooyin kale
Liiska maleeshiyooyinka aan loo taag hayn waxaa ka mid ah Janjaweed, oo hadda la baxay magaca Dacmu-Sariic, dagaalka kharaarna kula jira milateriga Sudan. Waxaa kaloo ka mid ah Blackwater oo ah Shirkad hawlaha milateriga qabata oo Maraykanka qandaraasyo ka qaadan jirtay.
Waxaa aad loogu xasuustaa inay ka hawlgalaysay Ciraaq xilligii ay ciidanka uu Maraykanku horkacayo weerarka ku qaadeen dalkaas. Blackwater waxaa wax laga saarayaa xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
Muqtada Sadr waa nin ay Shiicadu ka haybaysato. Wuxuu u dagaallamayey in ay ka hoos baxaan wax loo tusay “cadaawad u dhaxaysa ayaga iyo sunniyiinta”.
Wuxuu saaxib dhow la ahaa reer Galbeedka, laakin markii dambe wuxuu ka gows adaygay inuu toos uga amar qaato. Ilaa hadda Muqtada Sadr awooddiisa iyo tan miliishiyadiisa isma dhimin.
Haddaba Soomaaliya marka laga hadlayo waa kuwee ciidanka sida milateriga u hawlgala ee ka dhex jira gudaha dalka?
Al Shabaab iyo Daacish
Waa laba koox oo ku xiran ururro xag jiriin ah, kana hawl gala waqooyiga, bariga, bartamaha iyo koofurta Soomaaliya. Markii hore waxay ku wada xirnaayeen Al Qaacida, laakinse markii Daacish ay ka dhinac samaysantay ayey iyaguna sii kala falliirmeen.
Waxay samaysmeen xilligii midowga maxaakimta uu hogaamiye kooxeedyada ka saaray Muqdisho, laakinse wakhti dheer ma qaadan in Al Shabaab ay ka hoos baxaan maxkamadaha oo ay gooni isu taagaan.
Ka sokow inay isku aydiyoloojiyad aaminsan yihiin, waxa ka dhaxaysa cadaawad dhexdooda ah, laakinse waxay ka wada horjeedaan dawladda Soomaaliya iyo saaxiibadeed. Qaraxyo iyo dilal ayey gaystaan, kuwaasoo ay sheegtaan.
Waxaa jira dhowr kooxood oo qaab beeleed ama qaab diimeed u samaysan, duruufo kala duwanna ku abuurmay, laakin hadda u muuqada in aan loo taag hayn.
qafaasheen carruurta iyo xaasaska Al Shabaab ee deegaan ka mid ah Shabeellaha dhexe.
Ahlusunna Wal Jamaaca
Waa urur diimeed leh cudud milateri, waxayna ku dhex samaysmeen nidaamyadii dalka ka jiray tan iyo sannadkii 2000 oo ay ku lahaayeen saaxiibbo siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale. Muddadaas waxaa u suurto gashay inay gacan saar ka helaan dalal ajnabi ah.
Waxay xoog ku leeyihiin gobollada dhexe ee Soomaaliya oo ah xaruntooda ugu weyn. Dagaallo qaraar ayey deegaannadaas kula galeen Al Shabaab, kagana guulaysteen, waxayna ku faani jireen in ay amni iyo sharci ka hirgaliyeen deegaannadaas, laakinse dawladdii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayey isku dhaceen ka dib markii ay isku dayday inay nidaam dawladnimo ka hirgaliso gobolladaas.
Labada dhinac waxa dhex maray dagaal uu dhiig ku daatay oo Ahlu Sunna wal Jamaaca looga saaray magaalooyinka waaweyn ee gobollada dhexe. Waxay xarun ka dhigteen tuulada Huurshe ee gobolka Galgaduud, waxaaana laga shaqeeyey in madaxdooda ay dalka ka baxaan.
“Ahlusunna waxay ahaayeen koox ay keenatay baahi markaas ataallay oo ah inay Al Shabaab la dagaallamaan, laakin markii dambe dagaalkii Al Shabaab mid ka sii culus ayaa iyaga dawladda ku dhex maray Galgaduud. Siyaasad gaar ah ayey la yimaadeen, cilaaqaad ayey samaysteen maamul gaar ahna waa yeesheen” ayuu yiri Axmed Kaboole oo ka faallooda arrimaha amniga.
Dhawaanahan waxaa soo baxayey warar sheegaya in ay isu diyaarinayaan in ay qayb ka noqdaan dagaalka ay dawladdu doonayso inay ku qabato Ceelbuur, laakinse dawladda Soomaaliya, sida ilo ku dhowdhow ay sheegeen, diyaar uma aha inay isla hawlgalaan
Si u eg dhaqanka ciidamada kale ee sare aan ku soo sheegnay, miliishiyada Macawisleey waxay ku lug yeesheen khilaaf soo dhex galay maamulka Hirshabeelle, kaasoo xilka looga qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, lana magacaabay guddoomiye cusub.
Cali Jeyte oo garab ka haysta Macawisleey ayaa gaashaanka ku dhuftay, kuna dhawaaqay maamul cusub oo isagu uu madaxweyne ka yahay.
“Waxaan u aqoonsanaynaa shacab loo abaabulay baahi loo qabo oo ah inay Al Shabaab la dagaallamaan. Shacabkaas la abaabulay waa inay ka mid noqdaan dawladnimada wakhtiga dhow, waayo hubka gaar uma haysan karaan, mana jiro qeexitaan aan siin karno ciidan aan ahayn ciidan dawladeed oo hub haysta” sidaa waxaa yiri Axmed Cabdullaahi Kaboole oo arrimaha amniga ka faallooda.
Dhamaan miliishiyooyinka iyo ciidamada aan ka soo hadalnay waxay ka midaysan yihiin sifooyinkan:
Macawisleey
1- In ay ku dhex samaysmeen maamul jira, mid dawladeed ama mid maxalli ah, kaasoo u arkayey inay isku dan yihiin ama uu u adeegsan karo danaha uu leeyahay ee nidaamka iyo sharciga dartiis uusan ugu dhiirran karin.
2- In ay yeesheen awood la mid ah tan milateriga ama ciidanka dawliga ah, dhaqaale iyo saamayn muddadii ay dawladaas saaxibka lahaayeen.
3- Inay ka hor yimaadeen ama is qabteen nidaamkii ay saaxiibka ahaayeen ee ay ku dhex samaysmeen, islana socdeen.
Haddaba maxaa ku kallifi kara in nidaam dawli ah ama sharciyad haysta uu abuuro miliishiyo la mid ah milaterigiisa? Axmed cabdullaahi Kaboole wuxuu ka faallooda arrimaha amniga. “Ciidankan sharciga caalamiga ah kuma dhex shaqaynayaan, sharciga dalkana kuma dhex shaqaynayaan. Ujeedada ku xambaaraysa dawladda waxay tahay inay diidi karto oo ay dhihi karto ‘kama warqabno’ haddii ay ku xadgudbaan xuquuqda aadanaha, haddii kale waxaa qabanaya shuruucda caalamiga ah iyo kuwa xuquuqda aadanaha” ayuu yiri kaboole.
Kaboole wuxuu farta ku fiiqay arrin uu arko inay tahay khatar kale oo Soomaaliya si gaar ah u haysata. “Waddamada danaha ka leh Soomaaliya haddii ay helaan ciidan diyaarsan oo qalabaysan oo sidaa ay gacanta ugu dhigaan, waxay ciidankaas dhibaato ku noqonayaan dawladnimada” ayuu yiri.
Mar la weydiiyey waxa uu xal u arko wuxuu ku jawaabay “Xalku waa in dawladdu ay iyadu hogaanka u qabato, ku samayso kormeer iyo la xisaabatan, marka dambana la dawladeeyo ciidankaas intooda rabta inay ciidanka dawladda galaan, inta markii hore doonaysay inay deegaankooda xoraystaanna uu deegaankooda xor u yahay oo sidaas ay ku qancaan”.