Xubno ka mid ahaa khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Qaranka ee ku sugay D.Diinsoor

12-‘August-2023

Xasan Macalin Aways oo magaciisa Afgarashada ee Khawaarijtu u taqaanay yahay (jindullaah ) iyo Cabdullahi Ibraahim Maxamed oo isna Afgarashadiisu tahay ( jabal ) ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Qarank犀利士 a iyo kuwa deegaanka ee ku sugan Degmada Diinsoor ee Gobalka Baay.

Labadan xubnood ayaa Ka tirsanaa Khawaarijta muddo 3 sanno ah,iyagoo ka dagaal galay gobollada dalka qaarkood waxaana ay sheegeen inay ka soo laabteen waddadii qaldaneed oo ay raaceen.

Muddooyinkii u dambeeyey waxa soo badanaya tirada kooxda khawaarijta iskaga soo tagaysay ee isu soo dhiibaysay Ciidamada Qaranka,ayaddo badnaashada dadka kasoo baxaya khawaarijta ay caddeen u tahay inay meesha ka baxayso khawaarijta mudda dhiigga muslimiinta banneestay.