12- August-2023
Wax ka badelka dibolomaasiyiinta Somalia u jooga Qatar ayaa u muuqda mid u awood-sheeganaya wasaarada Arimaha Dibadda Somalia
Wax ka badelka dibolomaasiyiinta Somalis u jooga Qatar ayaa dhaiyay waashaqeyn la,aan ka dhex jirta Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya iyo Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Doxa ee dalka Qadar,taasoo mugdi gelinaysa xiriirka labada dal ka dhexeeya.
Wada shaqeyn la’aanta soo ifbaxday ayaa waxaa ay gaartay in uu xumaado xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Qadar kadib qoraalo is burinaya oo ay Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya u dirtey dhiggeeda dalka Qadar.
Qoraal kasoo baxday Xafiiska Xoghayaha Joogtada Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya dhamaadkii bishii July ayaa lagu wargaliyay Qunsulka, ku xigeenkiisa iyo xoghaya 3 aad ee Safaaradda Soomaaliye ee Qatar inay shaqadoodii loo wareejiyay xarumo kale .
Hase yeeshee Horaantii bishan Augost waxaa xafiiska hab maamuuska Wasaaradda Arimaha Dibadda Qatar tagay Dublamaasi ka tirsan Safaaradda waxayna u sheegtay in laga noqday go’aankii bedelidda Dublamaasiyiinta.
Wasaaradda Arimaha Dibadda Qatar ayaa ka codsatay dhiggeeda Soomaaliya inay kala cadeyso mowqifkeeda ku aadan bedelka diblumaasiyiinta
Wadashaqeyn la’aanta Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya iyo Safaarada ay ku leedahay Soomaaliya magaalada Doxa ayaa sidoo kale laga dareemay booqashadii Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur uu Qatar ku tagay bishii 7 aad ee sanadkan taasoo aysan ka warhayn Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya.
Sidoo kale Booqashada la filayo inuu Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ku tago dalkaas ayaa waxaa ka jira ismaandhaaf kadib markii ay Wasaaradda Arimaha Dibadda sheegtay inuu R/W Xame booqan doono bisha 4 teeda ilaa 8-da halka ay Safaaraduna sheegtay 5 ilaa 7 da bisha Sagaalaad
Wasiiru Dawle Cali Balcad ayaa isaguna booqashadiisii dalkaas horaantii sanadkan waxaa ka dhashay jahwareer kadib markii ay Safaarada Soomaaliya ee dalka Qatar u sheegtay dowlada Qatar in Wasiirka imaanaya uu yahay Wasiirka Arimaha dibadda ee uusan ahayn Wasiiru Dawlaha .
Wada shaqeyn la’aantan soo shaac baxday ayaa ku soo beegmaysa xilli ay dowlada Soomaaliya aysan weli u magacaabin safiir rasmi ah dalka Qadar iyadoo haatan uu sii haye kaliya Soomaaliya wakiil uga ah dalka Qadar.
Qadar ayaa safiir buuxda oo muhiim ah u soo magacawday dalka Soomaaliya waxayna dadka siyaasada faaqid ay aaminsan yihiin inay Qadar saluugsan tahay inaysan dowlada Soomaaliya u soo magacaabin safiir buuxa.
Qadar ayaa waxa ay ka mid tahay wadamada ugu waaweyn ee xiriirka iskaashi la leh dalka Soomaaliya,kana fulisay mashaariicyo badan.