14- August-2023
Nuqul kamid ah Qur’aanka Kariimka ah ayaa mar kale lagu nijaaseeyay dalka Sweden kadib markii labo nin oo laadinaya kitaabka quraanka ay gubeen dhowr bog oo kamid ah.
Dhacdadii isniintii ayaa ahayd mid timid markii dadka falkaas ku kacay ay dowlada Sweden u fasaxday inay qur’aanka gubaan iyadoo loo qoondeeyay Isu-imaatin xadgudubkaas u ogolaanaya mudo hal saac ah.
Falka Gubitaanka kitaabka qur’aanka kariimka ah ee dalalka Sweden iyo Denmark oo dhowr jeer dhacay sanadkan ayaa wali halkiisii ka sii socda.
Dowladaha Islaamka oo ka carooday talaabadaas lagu xumeeyo quraanka kariimka ayaa iyana sii wada inay dalbadaan joojinta falalkaas,
Gubista iyo nijaaseeynta kitaabka Quraanka ee Isniintii ayaa timid iyadoo Axaddii Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta ee Boqortooyada Britain uu soo saaray hadal uga digay dadka Britishka ah inay u safraan Sweden suurtagalnimada weeraro argagixiso oo ka dhasha gubashada sii socota ee Kitaabka Quraanka
Maamulka Sweden ayaa u muuqda in uu ku guuldareystay xakameeynta ficilada abuuraya iska hor,imaadyo dhinaca caqiidooyinka ah oo dhexmara dadka diimaha kala duwan leh ee dalkeeda
Denmark iyo Swedish-ka oo dhagaha ka fureeystay qaraarkii golaha xuquuqul iinsaanka ee mamnuucayay abuuritaanka nooc walba oo naceyb diimeed ah, ayaa meesha ka saaray in wax isbedel ah lagu samayn doono sharciyadooda xorriyadda hadalka oo sal looga dhigo Gubitaanka Quraanka