15-Aug-2023
<壯陽藥 !– /wp:paragraph –>Ra’iisul Wasaaraha Xukuuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Ahmed Juma Al-Rumaithi.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa kulankaan iskula soo qaaday arrimo muhiim u ah horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa uga mahad-celiyay Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta taageerada ay siiyaan dalkeenna ee ay ugu horreeyaan dhinacyada amniga iyo bini’aadanimada
Ra’iisul Wasaaraha Xukuuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Ahmed Juma Al-Rumaithi.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa kulankaan iskula soo qaaday arrimo muhiim u ah horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa uga mahad-celiyay Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta taageerada ay siiyaan dalkeenna ee ay ugu horreeyaan dhinacyada amniga iyo bini’aadanimada
Heshiiskan ayaa dowladda Soomaaliya ka caawin doona in ay abuurto ciidamo ku filan, si ay si buuxda ugala wareegto howl-gallada amniga ee ATMIS, si waafaqsan aragtideena amniga.
Si kastaba, Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa aad u xumaa muddadii uu madaxweyne dalka ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo dowladdiisa ay ka door biday Qatar oo ay is-hayaan, balse Xasan Sheekh ayaa isbaheysi weyn ka dhigtay Abu Dhabi markii dib loo doortay