Dowlada Somalia ayaa markale ku celisay digniin ay u dirtay Shacabka

15- August-2023

XARUN wayn oo fariisin u ahayd kooxda Al-Shabaab oo la burburiyay, lana dilay

<壯陽藥 p>Howlgal qorsheysan oo saaka ay fuliyeen ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada howl-galka Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay shaacisay dowladda.

Ciidanka NISA iyo saaxiibada howl-galka Mareykanka ee AFRICOM ayaa si wada-jir ah howl-galkaan qorsheysan ka fuliyay deegaan u dhow magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Howl-galkaan ayaa waxaa lagu burburiyay goob wayn oo fariisin u ahayd kooxda Al-Shabaab, sida lagu shaaciyay bayaan kooban oo goordhoweyd ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Goobta la burburiyay ayay dowladda sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay ka wadeen abaabul xooggan, xilli dalka uu ka socdo guluf dagaal oo ka dhanka ah kooxda, loogana xoreynayo deegaanada ay gacanta ku hayaan.

Sidoo kale waxaa howl-galkaan ay ciidanka qaranka iyo taliska AFRICOM iska kaashadeen lagu dilay 5 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida lagu yiri bayaanka dowladda.

Deegaanka laga fuliyay howl-galkaan ee ku taallay goobta muhiimka u ah Al-Shabaab ayaa waxa uu 35km Koofur bari uga beegan yahay magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Dowlada Oo Markale U Digtey Shacabka Ku Nool Ceel-Buur Iyo Galhareeri

Dowlada Federalka ayaa markale soo saartay digniin la xiriirta howlgalo iyo duqeyn dhawaan lala beegsanayo deegaanada ay weli ka joogaan dagaalamayaasha Alshabaab gobolka Galgaduud-Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Generaal, Cabdullaahi Cali Caanood ayaa dadka ku harsan deegaannadaas faray in ay isaga fogaadaan goobahaasi, si dagaal culus loogu qaado halkaas

Generaal Caanood ayaa sheegay in ay lagama maarmaan noqotay in mar kale dadka lagu baraarujiyo howlgallada halkaasi ka dhacaya, iyadoo ay dowladdu ka fekerayso bed qabka shacabkeeda goobahaas ku nool, deegaannadaas oo cir iyo dhulba laga weerari doono.

Afhayeenka ayaa si gaar ah ugu digay dadka ku nool deegaannada laga xukumo Galhareeri iyo Ceel-buur, goobahaasi oo ay ka mid yihiin inta u dhexeysa Xiin-dheere, Garab la’ , Ceel qooxle, Wabxo, Ceel Xarar dheere, daba galo iyo Jacar, wuxuuna ku celiyay in ujeedkoodu yahay in waxyeellada laga badbaadiyo dadka iyo Xoolahooda.

Wuxuu sheegay Afhayeenku in goobihii horay loo duqeeayay ay ka ag dhow yihiin dad iyo xoolo, dagaalka iyo duqeyntuna ay sii socon doonaan illaa khawaarijta laga nadiifiyo dalka oo dhan, wuxuuna shacabku ka codsaday mar kale in aysan fududeysan digniinta loo dirayo si loo beegsado cadowga oo keliya

Leave a Reply