Kadib Qabashada Sheegoow faahinta Booliska iyo Banaabax Dhacay

20″ August-23- Muqdisho

Boqolaal dadweyne ah ayaa Maanta banaanbax ballaaran oo looga horjeedo xariga Cali Axmed Sheegow ka wada qeybo kamid ah magaalada Muqdisho gar ahaan wadada Maka Al-murama iyo wadada Buulo Xuubey.

Banaanbaxayaasha ayaa waddooyinka qaar ee laamiga ku gubaya taayaro waaweyn, sidoo kalena mararka qaarkood tuurayay dhagxaan, isla markaana hakad geliyay isku socodka dadka iyo gaadiid, kadib markii ay xireen wadada.

Qaar kamid ah dadka dibad-baxa dhigayay oo warbaahinta la hadlay ayaa ku hanjabay in ay sii wadi doonaan dibad-baxyada haddii aan si deg deg ah loo soo deyn jeneraal Sheegow iyo askarta kale ee la xiran, kuwaasi oo shalay ay qabteen ciidanka Booliska.

壯陽藥

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa shalay degmada Dharkeenley kasoo xiray sheegow iyo in ka badan 20-askari oo u heestay, kaddib dagaal dhiig badan ku daatay uu la galay ciidanka xasilinta caasimadda.

Booliska oo faah faahiyay khasaaraha Dagaalkii Muqdisho & Eed loo jeediyay Sheegow

Taliska ciidanka Booliska dowladda ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaalkii magaalada Muqdisho ku dhexmaray ciidanka Boolis Milataaro iyo ciidan uu watay Jeneraal lagu magacaabo Sheekhow Xasan Cali oo ka tirsanaa Milateriga.

Shir jaraa’id uu ku qabtay Saldhigga Booliska ee Degmada Dharkeynleey Afhayeenka Booliska Gaashaanle Sadiiq Aaden Cali Dooodishe ayuu ku sheegay in howgal ku saabsan sarreynta sharciga oo daba socda Xeerka xakameynta hubka caasimada oo ay isla qateen golaha Wasiirada ayaa sabab u ahaa shaqaaqadii ka dhacday degmada dharkeynleey.

Afhayeenka ciidanka booliska ayaa waxaa uu sheegay in Sheekhow Xasan Cali uusan aheyn Generaal, darajada ugu diiwaangashan dowladdana ay tahay kaptan, wuxuu intaasi ku daray  in Sheekhow mar hore laga rusqeeyay ka mid ahaanshaha ciidanka qalabka sida,

Sidoo kale Afhayeenka ayaa Sheekhow Xasan Cali ku eedeeyay in sargaalkaan uu gurigiisa keyd iyo gabaad u ahaa shaqsiyaad dhac iyo rabshada ka geysta caasimada dalka.

Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in 12 qof siyaabo kala duwan mobile looga dhacay xaafadda uu degmada Dharkeynleey ka deganyahay sarkaalkaan la rusqeeyay, iyadoo Afhayeenka Booliska uu xusay in Guriga sargaalkaan laga helay lacagaha la dhaqa.

khasaaraha dhimashada waa laba ka mid ah Maleeshiyada weerarka soo qaaday iyo Askari ka tirsan ciidanka xasilinta caasimada, halka Dhaawacana uu gaarayo  ilaa 7 ruux, waxa uuna intaasi raaciyay in   Shacabka wax khasaara ah aysan ka soo gaarin howlgalkaasi.

Leave a Reply