Daawo: Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si adag uga hadlay dagaalka lagu argagixisada Alshabaab

24- August-2023- Muqdisho- Sntv

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta tababar usoo xiray saraakiil iyo saraakiil xigeeno ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in aysan jirin meel looga laabanayo dagaalka Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan jirin meel dhexe oo laga istaago dagaalka ka socda dalka, uusan jirina qof ka noqon kara dhex, maadaama ay is hayaan xaq iyo baaddil, sida uu sheegay.

“Meel looga laabanayo dagaalkan majiro, Soomaaliya waxay gaartay xilligii ay iska xoreyn laheyd cadowga, marka cadowga ha kamid noqon haddaa shalay kamid aheyd iskaga imo. Hal saac gudaheed ayaa adiga oo cadow ah ayaa maanta xabiibka dalka noqon kartaa,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza oo markale farriin u direy dhalinyarada weli ku harsan Shabaab