25- August-2023
Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalkii saaka ka qarxay qeybo kamid ah magaalada Laascaanood, gaar ahaan aagagga Maraaga iyo Goojacadde.
Xogta aan ka heleyno illo kala duwan ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ee la sheegay inay ka baxeen xerada Goojacadde ay haatan ku suganyihiin deegaanka Yigoori, oo 52 kilomitir u jirta magaalada Laascaanood.
SSC ayaa hore u sheegatay inay la wareegeen Maraaga iyo Goojacadde oo uu maanta dagaal ku dhex maray ciidanka Somaliland iyo dhinaca SSC.
Weli wax war ah kama soo bixin Somaliland oo la xirriira dagaalka maanta.
F dheeraad ah oo aanu ka heleyno dagaalkii saaka ka qarxay aagagga Maraaga iyo Goojacadde ee Laascaanood ayaa sheegaya in SSC ay qabsadeen xerada Goojacadde kadib markii uu dagaal xooggan halkaas ku dhex maray labada dhinac, sida ay BBC-da u xaqiijiyeen, qaar kamid ah xubnaha hogaanka SSC iyo dad xog ogaal ah oo halkaas ku sugan.
https://www.bbc.com/somali/articles/c8951xp71veo
Madaxda dhaqanka ee Laascaanood ayaa BBC u sheegay in ay gacanta ku dhigeen xerada milateriga Somaliland ee Goojacadde ee magaalada laascaanood. Dheeho.com
Sheegashada qabsashada Goojacadde ayaa timid ka dib markii dagaal aad u culus uu saaka dhex maray ciidanka beelaha deegaanka iyo kuwa Somaliland. Goojacadde waxay ahayd xerada ciidan ee ugu weyn ee Somaliland ku leedahay Sool.
SSC oo sheegatay la wareegidda xerada Goojacadde
Saacado yar kahor ayay ahayd markii SSC ay sheegteen inay qabsadeen Maraaga oo hore gacanta ugu jirtay Somaliland taas oo ah bar kontarool oo ay ku dagaalamayeen ciidamada Somaliland iyo dhinaca SSC.
Waxaan isku deynay inaan la xiriirno qaar kamid ah mas’uuliyiinta Somaliland, si ay wax uga yiraahdaan arrinta sheegashada SSC ee Goojacadde iyo Maraaga, balse weli inooma surtagalin in aan wax war ah ka helno dhankooda.
Dagaalka ayaa ahaa mid maalmihii u dambeeyay isa soo tarayay, midka maanta dib u qarxayna, waxaa uu bilowday abaaro shantii iyo qadar labaatan daqiiqo ee arroornimo.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Somaliland ayaa lagu yiri âCiidanka Qaranku waxay ku jiraan dib-isku-habayn iyo diyaargarow culus oo cadowga lagaga hortagayo.â Wasaaradda Gaashaandhiga JSL
Wixii war ah oo ka soo kordha dagaalkaas, halkan ayaan si toos ah idiin kuugu soo gudbin doonaa.