26-August 2023″
Kylian Mbappe ayaa guul ku riixay PSG iyadoo wiilasha Luis Enrique ay 3-0 ku garaaceen Lens.
Kylian Mbappe ayaa dhaliyay goolkiisii labaad iyo seddexaad ee xilli ciyaareedkan isagoo ka caawiyay Paris Saint-Germain inay 3-0 ku hogaamiyaan Lens sabtidii Ligue 1.
Xiddiga reer France ayaa daqiiqadii 52-aad ee ciyaarta si deg-deg ah isku dhaafsaday gool-haye Lucas Hernandez ka hor inta uuna kubad ka soo bixin cidhifka xerada ganaaxa iyada oo kubbada ay goolka ka soo gashay koornada sare.
Christian Pulisic ayaa shabaqa soo taabtay iyadoo AC Milan guul 4-1 ah ay ka gaartay Torino sabtidii.
Christian Pulisic ayaa shabaqa soo taabtay kulankiisii ugu horeysay ee horyaalka iyadoo AC Milan ay sii wadatay guushii ay ku bilaabatay horyaalka Serie A iyagoo 4-1 kaga badiyay Torino garoonka San Siro, Olivier Giroud ayaa sidoo kale laba rigoore u bedelay si uu uga farxiyo in ka badan 70,000 oo taageereyaal gurigiisa ah.
Pulisic waxa uu ahaa kulankiisii ugu horeeyay ee gurigiisa, xiddiga heerka caalami ee dalka Mareykanka ayaa sii watay qaab ciyaareedkiisa wacnaa ee kooxdiisa cusub tan iyo markii uu Chelsea ku biiray Milan.
Qaab ciyaareed wanaagsan oo ay soo bandhigeen kooxda Milan oo dib u soo noolaysay, kuwaasoo hogaanka horyaalka ku haya farqiga goolasha laba kulan ka dib.
Joao Palhinha ayaa dhibic u xaqiijiyay 10-ka ciyaaryahan ee Fulham kulan madadaalada ah ay barbaro la galeen Arsenal.
Daqiiqadii 87-aad ee ciyaarta Palhinha ayaa kubad koorno ah ka soo qaaday kooxda martida loo ahaa.
Kooxda Cottagers ayaa afar daqiiqo ka hor ciyaarta ka saaray Calvin Bassey ka dib markii uu weerar rogaal celis ah ku galay Eddie Nketiah.
Andreas Pereira ayaa si dardar leh ku bilowday Fulham, isagoo dhaliyay kaliya 57 ilbiriqsi.
Pereira ayaa kubad dabacsan oo uu ka helay Bukayo Saka kubad laad ah ku toogtay, iyadoo goolhaye Aaron Ramsdale uu booska ka baxay.
Saka ayaa gool ku laad u barbareeyay Gunners ka dib markii Fabio Vieira uu kubad ka helay Kenny Tete.
Maamulaha Arsenal Mikel Arteta ayaa sheegay in kooxdiisu ay 10 jeer ka fiican tahay xilli ciyaareedkii hore inkasta oo ay dhibco lumiyeen markii ugu horaysay ololahan Premier League oo ay la ciyaarayaan 10 ciyaartoy oo Fulham ah.
Gunners ayaa u maleyneysay in goolasha Bukayo Saka iyo Eddie Nketiah ay ku filnaan karaan guusha ka dib markii ay daqiiqaddii ugu horeysay ku soo dhacday garoonka Emirates Stadium.
Qaladaad daafac oo waaweyn ayaa qarash badan ku baxay markii VERONA ay 2-1 uga Badisay ROMA Mourinhosaba
Houssem Aouar ayaa helay goolkiisii ugu horeeyay, Roma ayaa laba jeer birta ku dhufatay, laakiin qaladaad daafac oo waaweyn ayaa qarash badan ku baxay markii 2-1 looga badiyay Verona iyadoo Jose Mourinho uu wali tarabuunka saaran yahay sababo ganaax aawgeed
Balse uu ganaaxa ka soo Paulo Dybala iyo Lorenzo Pellegrini ka dib markii ay barbaro 2-2 ah la galeen Salernitana.
Renato Sanches ayaa miiska daawaynta kula biiray Tammy Abraham iyo Marash Kumbulla. Hellas ayaa guul ku bilowday xilli ciyaareedkeeda Empoli
Manchester United ayaa laba gool ka soo laabatay waxayna guul wayn ka gaadhay 10 ciyaartoy ee Nottingham Forest kulan ka dhacay Old Trafford.
Markii ugu horeysay taariikhda Premier League, United ayaa iska heshay labo gool afar daqiiqo gudaheed ka dib markii ay si xun ku bilowdeen ciyaarta taasoo keentay inay goolasha u kala dhaliyaan Taiwo Awoniyi iyo Willy Boly.
Mar Christian Eriksen ayaa gool soo celiyay isaga oo ku taabtay karoos joog hoose ah oo uu soo karoosay Marcus Rashford, ka dib markii Casemiro uu si fiican madax ugu dhaliyay goolka furitaanka ka hor qeybta nasashada, xiddiga reer Brazil ayaa barbareeyay kooxdiisa markii uu kubad madax ku dhaliyay Bruno Fernandes dhaaf
Shaqaalihii tababarka ee Spain ayaa iska casishay murankii dhunkashada ee Hermoso
Lix kale oo ku lug lahaa dhinaca qaranka oo da’doodu kala duwan tahay ayaa iyaguna is casilay.
Dhammaan shaqaalaheedii tababarka ee Spain oo ku guuleystay koobkii adduunka, marka laga reebo maareeye Jorge Vilda, waxay iska casileen khilaafkii Luis Rubiales.
Kaaliyaha maareeyayaasha Montse Tome, Javier Lerga iyo Eugenio Gonzalo Martin, oo ay weheliyaan physio Blanca Romero Moraleda iyo tababaraha goolhayaha Carlos Sanchez, ayaa dhamaantood shaqada ka tagay.
Madaxweynaha xiriirka kubada cagta Spain Rubiales ayaa waxaa shaqada ka joojiyey sabtidii Fifa ka dib markii uu bushimaha ka dhunkaday weeraryahankeeda Jenni Hermoso ka dib ciyaartii finalka koobka aduunka ee haweenka ay kaga badiyeen England oo ka dhacay Sydney.
War qoraal ah oo ay soo saareen shaqaalaha tababarka ayaa lagu yiri: “Kuwa magacyadooda hoos ku xusan waxay muujinayaan adkeysigooda iyo cambaareyn xooggan oo ay u jeedinayaan hab-dhaqanka uu muujiyay madaxweynaha RFEF.
FIFA ayaa shaqada ka joojisay madaxweynaha kubbada cagta Spain Rubiales 90 maalmood ka dib markii ay dhunkatay
Guddiga Anshaxa ee FIFA ayaa si ku meel gaar ah shaqada uga joojiyay madaxa xiriirka kubbadda cagta ee Isbaanishka Luis Rubiales 90 maalmood ka dib markii uu madaxa ka qabtay ciyaaryahan Jenni Hermoso oo uu ka dhunkaday dibnaha ka dib guushii Spain ee Koobka Adduunka Haweenka.
Rubiales ayaa la filayey inuu jimcaha ku dhawaaqo inuu is casilayo balse taa badalkeeda wuxuu sheegay inuusan xilka wareejin doonin waxayna RFEF ugu hanjabtay in talaabo sharci ah laga qaadi doono kadib markii Hermoso ay sheegtay inaysan raali ka ahayn dhunkashada uu siiyay.
“Guddoomiyaha guddiga anshaxa FIFA… ayaa go’aansaday maanta inuu si ku meel gaar ah uga joojiyo Mr Luis Rubiales dhammaan howlaha kubbadda cagta ee heer qaran iyo heer caalami,” FIFA ayaa bayaan ku sheegtay Sabtidii.