Soomaaliya oo ka hadashay halka uu maraayo dadaallada ku aadan ku biirista EAC

26-August-2023- SONN

Cabdisalaan Hadliye Cumar Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Bulshada Bariga Afrika o ayaa saxaafadda uga warbixiyay shirka gudiyada farsamo ee wada xaajoodka ku biiritaanka Soomaaliya Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika ee ka socda Nairobi oo lagu wado in warbixin dhameystiran uu ka soo baxo khamiista soo socota

Mudane Cabdisalaan Hadliye ayaa xusay in sahankann uu soo bilaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud sanadkii 2022-ka,, haatana ay socdaan dadaallada ku aadan sidii Soomaaliya ay ugu biiri lahayd Suuqa Dhaqaalaha Bariga Afrika