29- August 2023

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay guddiga xasillinta Galmudug.
Guddiga oo ah heer wasiirro ayuu Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ka dhageyst犀利士 ay warbixin ku saabsan halka ay marayaan arrimaha xasillinta iyo adeeg gaadhsiinta shacabka ku dhaqan deegaannada dhawaan laga saaray Al-Shabaab
Xubnaha guddiga ayaa dhankooda ballan-qaadeen inay dedaal dheeri ah gelin doonaan sidii adeegyada bulsho ee aasaasiga ah loo gaadhsiin lahaa dadka Soomaaliyeed ee iska xoreeyey khawaarijta
