30- August-2023
Farmaajo oo lagu xasuusto 5-tii sano ee maamulkiisa In aysan talaabo u qaadin Xasuuqii alshabaab ay ku heeysay shacabka soomaalieed iyo in ciidamadii qaranka ee difaaci lahaa dadweynaha uu isticmaalay dano siyaasadeed”ayaa haatan Taageeray guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada oo dhul badan laga riixay kadib imaansha olole uu horkacayo Madaxweyne Xasan shiikh” Warbixin Dheeho.com
Qoraal uu soo dhigay bartiisa X iyo Facebook Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed cabdulahi farmaajo ayaa waxaa uu ku yiri sidan
Dagaalka Ciidamadda Qalabka Sida oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan kooxda argagixisada dhiig-miiratada ah ee Alshabaab, waa waajib qaran oo ay tahay in aynu ka wada qeyb-qaadanno dhamaanteen maadama uu taabanayo qarannima犀利士 deenna iyo jiritaankeenna ummadeed.
Howl-galadda dalkeenna looga xoreynayo argagixisada inoo diiddan nolasha, amniga iyo horumarka waa qorshe qaran oo soo socday dhowr iyo tobonkii sano ee u danbaysay, waxaana waajib ah in la garab istaago ciidanka xoogga, si aan u xaqiijinno dalkeenna oo xor ka ah argagixisada.
Waxaan ugu baaqayaa muwaadin kasta oo Soomaaliyeed in uu garab istaago halganka xoreynta dalka kana qeybqaato dhiiri-galinta iyo kor u qaadista moraalka geesiyaasha qaranka, maadaama isku duubnida ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay fure u tahay guulaha dagaalka lagula jiro argagixisada.
Alle ha u naxariisto halyeeyada naftooda u horey in dalkeenna ay ka xoreeyaan argagixisada, halyeeyada kale ee dhaawacyadu ka soo gaareenna waxaan Allaah uga baryayaa caafimaad iyo kabasho degdeg ah.
Hadalka farmaajo ayaa meesha ka saaraya qoraalada argagixso kalkaalnimada ah ee gudoomiye ku xigeenkiisii gobolka banaadir inay yihiin kuwo ka turjumi karo kooxda farmaajo