Qaraxyo Ruxay Sweden oo waayahan danbe la daalaa dhaceysay rabashado la xiriira gubista Kitaabka Quraanka Kariimka ah

31- August-2023-AFP/VOA

Afar qarax ayaa saacad gudaheed ka dhacay magaalooyin ku yaalla dalka Sweden, sida ay booliisku sheegeen, iyadoo dalkaas uu la daalaa dhacayo rabshado la xiriira burcadda.

Abaaro 1:00 subaxnimo ayaa booliska Göteborg waxa ay heleen warbixino sheegaya in labo qarax ay ka dhaceen laba guri oo kala duwan, oo 10 daqiiqo ay u dhexeeyeen.

“Labada gooboodba waa la xiray, waxaana socda baaritaanno,” ayuu yiri booliisku, isagoo intaas ku daray in khubarada bambaanooyinka loogu yeeray goobta.

“Ma jiraan warar sheegaya in dad dhaawacmay, kaliya qalab waxyeeloobay,” ayuu yiri booliisku.

Saacad ka dib, laba qarax ayaa daqiiqado u dhexeeyey ka kala dhacay magaalada Norsborg oo ku taal duleedka koonfureed ee Stockholm iyo magaalada Nykoping oo 100 km koonfur ka xigta caasimadda.

Labada xaaladoodba, booliisku waxay sheegeen in aanay cidina wax ku noqon. Dhammaan afarta qarax ayaa ka dhacay dhismayaal la deggan yahay.

Dalka Sweden ayaa sanadihii u dambeeyay la daalaa dhacayay weeraro toogasho ah iyo qaraxyo, iyadoo kooxo burcad ah ay wadaan dagaal ka ganacsiga daroogada.

Si kastaba ha ahaatee, booliska Göteborg ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in aan wali la ogaanin waxa sababay laba qarax oo ka dhacay magaalada.

Sannadkii 2022, waxaa Sweden ka dhacay 90 qarax, iyo 101 kiis oo qaraxyo la isku dayay ama la qorsheeyay, sida lagu sheegay xogta bilayska.

Sanadkan ilaa Agoosto 15, 109 qarax ayaa la duubay.

Booliska ayaa horey u sheegay in qaraxyada inta badan loo adeegsado cabsi gelinta bartilmaameedyada, halka toogashada loo adeegsado dilka iyo ciribtirka cadowga.

Dalka waxa laga diiwaan galiyay 391 toogasho sanadkii 2022, kuwaas oo 62 ka mid ah ay dhinteen, taas oo boqolkiiba 45 ka saraysa sanadkii ka horeeyay, marka loo eego xogta bilayska.

AFP/VOA

Leave a Reply