2- September-2023
Xubno ay ka mid yihiin Guddoomiyaashii hore ee baarlamaanka
Iyo raysilwasaarayaashii hore ee dalka ayaa bilaabay olole Tallo ,Maskax Iyo Maal ay kula garab istaagayaan Halganka looga xoreeynayo dalka Khawaarijta Alshabaab
Masuuliyiintan ayaa dowladda federaalka Somalia ku boggaadiyay duulaanka ay ku qaaday kooxda Al-Shabaab oo laga gacan maroojiyay deegaano badan tan iyo markii meesha laga saray maamulkii Farmaajo
M,aha talaabo si sahal ku timid in Somalia ay u midoowdo argagixisada alshabaab oo laga qaatay mowqif ka adag kii laga rumeeysnaa laba sano ka hor.
Masuliyiintan oo canaan dusha uga tuuray kuwa isku dayaya inay siyaasadeeyaan dagaal ku xiran jiritaankeena ayaa ugu baaqay in laga wada qeybgalo soo afjarida joogitaanka ay argagixisadu ku leedahay dalkeena
Maanta waxaa la joogaa xiligii qof weliba uu muwaadinku is weydiin lahaa in lasoo gaaray doorkii uu ka qaadan lahaa dagaalka lagu ciribtirayo khawaariijta, Ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa difaaca deegaanka dhul baaxad weyn oo ah Dowlad-Goboleedyada Galmudug & Hir-Shabeelle, Waxaa Koofur galbeed iyo Jubbaland laga rabaa in ay diyaargarow sameeyaan maadaama meelaha ay salka la galayaan ay tahay, waxa ay ila tahay in loo istaago lana baraarugo” ayuu yiri Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.