3- September-2023
Lyon 1-4 PSG
Kylian Mbappe ayaa labo gool dhaliyay iyadoo Paris St-Germain ay cadaadiska ku kordhisay tababaraha Lyon Laurent Blanc oo ku guuleystay.
Mbappe ayaa dhaliyay rigoore xilli hore ah ka dib markii Corentin Tolisso uu qalad ku galay Manuel Ugarte, halka Achraf Hakimi uu labo gool u dhaliyay Ousmane Dembele.
Marco Asensio iyo Mbappe ayaa 4-0 ku hogaaminaya PSG – waana markii ugu horeysay oo Lyon ay afar gool ku raacdo qeybta nasashada kulan horyaalka ah tan iyo 1966dii.
Tolisso ayaa dhaliyay rigoore qalbi qaboojin ah iyadoo Lyon ay ka fogaatay in lagu xasuuqo.
PSG oo ku jirta kaalinta labaad ayaan wax guuldaro ah la kulmin xilli ciyaareedkan, halka Lyon ay weli hal dhibic ka haysato afar kulan oo ay ciyaartay.
Weeraryahanka reer France Mbappe ayaa dhaliyay shan gool seddexdii kulan ee uu ciyaaray ka dib markii uu ku soo laabtay safka hore, isagoo xagaagii la xayiray xilli ay kooxdu isku dayday inay iska iibiso.
Arsenal 3-1 Manchester United
Arsenal ayaa dhalisay labo gool waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta si ay guul lama filaan ah oo 3-1:ah ay uga gaarto kooxda Manchester United kulan ka dhacay garoonka Emirates Stadium.
Sideedii daqiiqo ee dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta kulanka Arsenal iyo Man united oo ismari waa 1-1 ah ayaa Declan Rice kubad uu soo tuuray hogaanka u dhiibay Arsenal ka hor inta uusan Gabriel Jesus oo bedel ku soo galay uusan u ordin inuu soo gabagabeeyo guul lama filaan ah oo 3-1 ah oo farxad ka qarxisan garoonka
Dhamaadkii ciyaartan oo ahayd mid aad u qallafsan, United ayaa markii ugu horreysay moodaysay inay saddex dhibcood ka xayuubiyeen kaddib markii uu Alejandro Garnacho dhammaystiray daqiiqaddii 87-aad ee ciyaarta oo uu ka saaray garsooraha muuqaalku isagoo ciyaarta ka dhigay 1-1.
United ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 27aad markii Christian Eriksen uu baas cajiib ah ka helay Marcus Rashford, kaasoo goosha goostay si uu lugta midig ugu leexiyo goolhayaha Arsenal Aaron Ramsdale.
INTER MILAN 4-0 FIORENTINA:
Lautaro Martinez ayaa dhaliyay labo gool iyadoo Inter ay 4-0 kaga badisay Fiorentina ciyaar ka dhacday Stadio Giuseppe Meazza fiidnimadii Axada, Fiorentina oo aan wax jawaab ah ka bixin guul raaxo oo sii dheereeyay rikoorka Inter Milan oo la socda kooxda ay isku magaalada yihiin ee AC Milan
Inter ayaa hogaanka ciyaarta la wareegtay bartamihii qeybta hore ee ciyaarta iyadoo Marcus Thuram uu madax ku dhaliyay karoos uu soo dhigay Federico Dimarco, isagoo dhaliyay goolkiisii ​​ugu horeysay ee Nerazzuri.
Liverpool 3-0 Aston Villa
Mohamed Salah ayaa mustaqbalkiisa dib u dhigay isaga oo gool dhaliyay xilli Liverpool ay si raaxo leh uga badisay Aston Villa si ay u sii wadato qaab ciyaareedka fiican ee ay ku bilaabatay xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League.
Kooxda Jurgen Klopp ayaa diiday dalab 150 milyan ginni ah oo ay ku doonayeen xiddiga heerka caalami ee dalka Masar kooxda Saudi Pro League ee Al-Ittihad, iyadoo Reds ay ku adkeysaneyso in 31-sano jirkaan uusan iib aheyn.
Salah ayaana carabka ku adkeeyay qiimaha uu u leeyahay Liverpool markii uu dhaliyay goolkoodii seddexaad qeybtii labaad ee ciyaarta garoonka Anfield, isagoo birta dambe ka toogtay Darwin Nunez si ay u xaqiijiyeen guushii seddexaad oo xiriir ah horyaalka.