3- September-2023
Actor-ka Idris Elba iyo xaaskiisa Sabrina dhore ayaa ka mid ahaa 23-ka magac ee gorilla intii lagu guda jiray xafladdii 19-aad ee magacaabista Kwita Izina.
Jilaaga iyo fannaanka caanka ah ee idris Elba ayaa dunida la wadaagay booqashadiisa labaad ee uu ku tagay Rwanda isaga oo adeegsanaya bartiisa bulshada, kadib Markii lamaanahan ay xaflada magac bixinta Kwita Izina ee sanadkan ugu magac dareen gorilla ilmo ah oo ku dhashay buurha Rwanda”Narame”
Qoraal uu soo dhigay bartiisa X (Twitter hore) iyo Instagram-ka Idriss Elba ayaa muujisay sida uu ugu faraxsan yahay ka mid noqoshada magacyada gorilla ee sanadkan.
“Aniga iyo Sabirin waxaa sharaf noo ah in aan ka soo qayb-galno xafladda magacaabista Kwita Izina ee Rwanda “ayuu yiri Jilaaga Britishka ah ee Elba
Intii ay socotay khudbad uu ka jeediyay xafladda Kwita Izina, Actor ka Idiris waxa uu sheegay in aanu rumaysan karin sida ay Rwanda kor u kacday oo ay tusaale muuqata u noqotay Afrika.
Idris Elba iyo xaaskiisa Sabrina oo casuumad ka helay Madaxweyne Paul Kagame oo kulankooda ku soo hadal qaaday doorka muhiimka ah ee fanka iyo hal-abuurku ay ka qaadan karaan qaabaynta mustaqbalka Afrika
Guriga Kwita Izina. waxa ay qooqiyeen ilmo yar oo gorilla ah oo ka soo jeeda qoyska Mutobo, kaas oo magaca hooyadeed la dhihi jiray Mudakama-Waxay u bixiyeen gorillaha ilmaha dhashay ah ‘Narame’
“Magac-bixinta Kwita Izina waxa uu dhiirigeliyay dhaqankii hore ee Ruwaanda ee ahaa in ilmaha loo magac bixiyo isla marka uu dhasho, sida ku cad website-ka Aasaaska Duurjoogta Afrika.
“Waad ku mahadsan tahay inaad noo ogolaatay inaan magac u bixino ilmo gorilla ah sannadahan Kwita Izina. Waxaan u bixinay wiilkan yar “Narame oo ka tarjumaysa nolosha dheer ayay tiri Xaaska Idiris Elba ee Sabrina dhore oo asal ahaan ka soo jeeda Somalia .
Sabrina ayaa tixraacaday Hooyada ilmahan Gorillaha ah dhashay oo waysay laba canug oo ay hore u lahayd, sidaas darteed waxay sheegtay inay u rajaynayso midkan inuu helo nolol dheer oo miro leh.”