4- September-2023- Doha
Isbadalka fashilmay ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay ku dooneysay in ay ku sameyso Shaqaalaheeda ka howlgala Safaaradda Soomaaliya ee Qatar ayaa soo dedejisay Safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku tagay Dooxa, kaasoo ku bilowday booqasho saddex maalmood ah.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Doha ee caasimada dalka Qatar oo ay uga bilaabaneyso booqasho 3 maalmood
Socdaalka Raysilwasaare Xamsa ee magaalada Doha ayaa imaanaya iyadoo Wafdiga Raysilwasaaraha uu ka mid yahay wasiirka Arimaha dibada Somalia xili cilaaqaadka labada dal uu qarka u fuulay in uu mugdi soo dhex galo
Muran mudo soo jiitamayay oo salka ku haya kala badel socon waayay oo ku aadan Dipolmaasiyiinta safaarada Somalia u jooga dalka Qatar ooy sameeysay wasaarada arimaha dibada Somalia
Raysilwasaare Xamza ayaa casuumaad ka helay dhiggiisa Qatar, Shiikh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani iyadoo inta uu joogo raysilwasaaraha soomaaliya lagu wado inay isla soo qaadaan madaxda dalka Qatar arimo quseeya xiriirka labada dal iyo xal u helista arimaha ku saabasan oo wsaarada arimaha dibada somalia laf,ahaanteeda wax laga saaray markii wareegtooyin isburinaya uu ka soo baxay