4- September-2023-Muqdisho
Siyaasiyiinta iyo waxgaradka beelaha Mudullood ayaa shirweyne muhiim ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana shirkaas ka soo baxay go’aano adag oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.
Shirka Mudullood waxaa ka soo baxay war-murtiyeed ka kooban lix qodob oo quseeya xoreynta deegaanada beesha iyo sidii mustaqbalka looga difaaci lahaa kooxda Al-Shabaab.
Sidoo kale Mudullood waxay codsi la xiriira cunaqabateynta saaran dalka u direen beesha caalamka, iyagoo codsaday in dowladda Soomaaliyeed lagu garab istaago dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.
Taliyihii hore ee NISA Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed Turyare ayaa akhriyey bayaanka ka soo baxay beelaha Mudulood ee Muqdisho ku shiray, waxaana gogosha dhigay duqa Muqdisho Yuusuf Madaale.
“Shir weynaha beelaha Mudulood waxaa lagu qaadaa dhigay mudiimada ay leedahay in dib la isku abaabylo, loona xoojiyo dagaalka, iyadoo deg deg loo soo gabagabeynayo joogitaanka Khawaarijta ee deegaanada Mudullood,” ayuu yiri Tuuryare oo bayaanka akhriyey.
Waa犀利士 Kuwan Qodobada
1 – In si deg deg ah beel kasta oo Mudullood ka tirsan ay deegaanadeeda uga xoreysato Khawaarijta, iyagoo aan u kala harin.
2 – In deegaanadooda ay ka abaabulaan ciidamo deegaankooda difaaca Khawaarijta oo garab siiya ciidanka xoogga dalka, iyagoo saanadda iyo tababarrada ka kasha doona ciidanka qaranka, waxaana arrinkaas dabageli doona siyaasiyiinta
3 – In beel kasta oo Mudulood ka mid ah ay dhaqaale ahaan isku tashato oo si qaaraan ah ay ku uruursadaan dhaqaale ku filan, si aagagga loo asteeyey ay u joogaan.
4 – Beelweynta Mudullood waxay si weyn u taageersan tahay una garab taagantahay ciidamada qaranka iyo dowladda uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
5 – Beesha Mudulood waxay guddiga Amniga ee Qaramada Midoobey ugu baaqaysaa inay dowladda Soomaaliya ka qaadaan cunaqabateynta hubka, si looga adkaado argagixisada
6 – Sidoo kale beesha Mudulood waxay ugu baaqeysaa beesha caalamka inay kordhiyaan kaalmadooda iyo garab istaagooda dowladda Soomaaliya, si ay u soo gabagabeyso dagaalka ay kula jirto Khawaarijta