Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa u yeertay masuuliyiin dalka ka maqan oo lagu eedeeyay Musuqmaasuq

4- September-2023- Muqdisho

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa u yeertay masuuliyiin dalka ka maqan oo Intooda badan ka tirsan hey’adda socdaalka iyo jinsiyaddaha oo lagu eedeeyey Xatooyo xoolo qaran waxayna u qabatay muddo 30 maalmood ah inay maxkamadda ku hor_yimaadaan Dheeho.com

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa muddo 30 maalmood ah u qabatay inay maxkamadda ku horyimaadaan 7 masuul oo lagu eedeeyey musuq-maasuq, kuwaas oo badankood ka tirsan hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda.

Maxkamadda ayaa qoraalka ay ku soo saartay baafintaan waxay ku cadeysay in raggaan xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka uu ku soo eedeeyey, lacag dhaqid, musuq maasuq, dayacaad masuuliyadeed, been abuur dukumenti iyo ku takri-fal hanti dadweyne oo ka dhacay garoonka Aadan Cadde.

Maxkamadda ayaa ragaan ku wargelisay in 30 cisho ay ku hor yimaadaan, si ay isaga difaacaan eedeymaha loo heysto, hadii ay maxkamadda hor imaa waayaan 7 qof waxaa loo sheegay in ayaga oo maqan dacwadooda la qaadi doono.

Toddobada masuul ee liiskaan ku qoran waxaa ugu horeeya Agaasime ku xigeenka guud ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Cismaan Xasan Cosoble oo maqane ah.

Masuulka 2-aad waa Agaasimihii guud ee waaxda dakh壯陽藥 liga ee wasaaradda maaliyadda Jacfar Maxamed Axmed.

Eedeysanaha 3-aad waa Cabdikaafi Xasan Maxamed Agaasimihii maamulka iyo maaliyadda ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda oo maqane ah.

Leave a Reply