7- September-2023- Muqdish

Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa munaasabad maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiisyo muhiim u ah labada dal.
Xoghayaha Joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ayaa faah faahiyey heshiiska.
Raysilwasaare kuxigeenada Somalia iyo Ethiopia oo ka qeybgalay
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Salax Axmed Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey dhiggiisa dalka Ethiopia, Mud犀利士 ane Dekeme Mekonnen Hassan iyo wafdi oo uu hoggaaminayo.
Wafdiga ka socda dalka Itoobiya ayaa u yimid caasimadda Muqdisho sidii ay wada hadallo ku dhisan danaha labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashi dhinacyada kala duwan ee u dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa xusay muhiimadda iskaashiga labada dal ee dhinacyada ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, amniga iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta.
