Daawo: Isi,soo dhiibayaasha Alshaab ee soo galay gacanta dowlada oo gaaray 107 xubnood

7- September-2023- Muqdisho

Isi,soo dhiibayaasha Alshaab ee soo galay gacanta dowlada labadii bilood ee u danbeeysay ayaa gaaraya 107 xubnood sida uu maanta sheegay Agaasimaha xarunta ka hortaga iyo la dagaalanka figradaha xagjirnimada C/ laahi Maxamed Nuur Warbixin Dheeho.com

Agaasimaha Xarunta Qaran ee ka hortaga iyo la-dagaalanka fikradaha xagjirka ee Tubsan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo maanta shir jaraa’id ku qabtayMuqdisho ayaa shaaca ka qaaday inay haatan kordheen tirada xubnaha Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya dowladda.

Cabdulllaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in labadii bilood ee lasoo dhaafay July iyo August犀利士 ay isa soo dhiibeen illaa 107 xubnood oo isugu jiro horjoogayaal iyo dagaalamayaal intaba.

Xarunta Qaran ee ka hortaga iyo la-dagaalanka fikradaha xagjirka ah waxay bulshada Soomaaliyeed ku wargelineysaa inay isku soo dhiibeen bilihii July iyo August isa soo dhiibayaal gaaraya 107 xubnood oo horay uga tirsanaa kooxaha Khawaarijta, kana tanaasulay kamid ahaanshihii kooxdaas ” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xubnahaas ay ku jiraan carruur la askareeyay, dhalinyaro ka barbar dagaalameysay kooxda iyo horjoogayaal sar sare, sida uu hadalka u dhigay.

Xubnahan ayuu tilmaamay inay iska soo dhiibeen meelo kala duwan oo ka mid ah dowlad goboleedyada HirShabelle, Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo ay haatan ka socdaan howlgallo culus.

Agaasimaha Xarunta Qaran ee Tubsan oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in haatan ay sii kordhayaan tirada xubnaha soo goosanaya, isaga oo farriin u diray xubnaha kale ee weli u dagaalamaya kooxda, wuxuuna ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan cafiska.

Leave a Reply