10- September “2023
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo War kasoo saartay dagaal xooggan oo Maanta ka dhacay degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegtay in lagu ilay 60-dagaalyahan oo katirsanaa Al Shabaabkii Dheeho.com
Kadib markii Arroornimadii hore ee saakay degmada oowdheegle weerar culus ay ku qaadeen dagaalamayaasha Al-Shabaab Ayaa jab weeyn kala kulmay sida lagu yiri Warkaan oo ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in howlgalka Awdheegle laga fuliyay ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada caalamka , isla markaana uu dhaliyay khasaaro badan oo dhimasho iyo dhaawac.
Sida ay xaqiijiyeen shacabka degaanka, meydadka Khawaarijta ayaa daadsan waddooyinka, kadib markii si xun loogu jebiyay weerarka gaadmada ah oo ay doonayeen inay ku waxyeeleeyaan Ciidamada Qalabka Sida iyo shacabka degaanka.
Khawaarijta ayaa dagaalka looga furtey hub iyo saanad badan oo milateri, si buuxdana looga hortagey inay shacabka iyo Ciidanka waxyeelo gaarsiiyaan.
Hawlgalkaan ay Ciidamada Qalabka Sida sida xun ugu jebiyeen cadowga argagixisada ah, ayaa muujinaya sida dowladda ay uga go’an tahay inay degdeg uga hawlgasho goob kasta oo ay ka iman karto khatar shacabka iyo ciidanka loo geysan karo, iyadoo la wada ogyahay in ciidanka qaranka ay gobollada dhexe ay guulo ballaaran ka soo hoyeen dhameystirka wejiga 1aad ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ka go’an inay dalka ka ciribtirto Khawaarijta, waxayna mar kale cadowga xusuusineysaa in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin inay meel kasta iyo waqti kasta ugu baabac dhigaan cadowga oo is moodsiiyay inay u sahlan tahay inay ciidanka qaranka si gaadmo ah ugu waxyeeleeyaan Shabeellaha Hoose, maadaama dagaalka xooggiisa uu ka socdo Galmudug iyo HirShabeelle