11- September-2023

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga oo tababar u soo xiray Ciidamo katirsan Ururka 12-aad ee Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdinuur Daahir Fiidow ayaa maanta dugsiga tababarka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Turk-Som tababar ugu soo xiray Ururka 12-aad ciidanka Gorgor ee CXDS kuwaas oo ku biiri doona guutada 18-aad ee Ciidanka.
Ciidamadan oo ah kuwo qaba tababar dhammeystiran ayaa ku biiri doona hawlgalada ay ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanku dalka kaga ciribtirayaan Khawaarijta All-Shabaab
Wasiiru dowlaha ayaa kaga mahad celiyay Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud sida ay kaga go’antahay dhismaha ciidan qaran oo awood u leh difaaca Dalka, Dadka iyo Diinta.
Wasiir Cabdinuur oo bogaadiyay dadaalada ciidanka qaranka ayaa sidoo kale u mahadceliyay macalimiinta dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga iyo macalimiinta Soomaaliyeed ee juhdiga ku bixiyay Ciidankan intii uu tababarka socday.
