13-Sept-2023- Muqdisho”
In ka badan 30 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadooda shisheeye ee gobolka Galgaduud.
Howlgallada ayaa laga sameeyay deegaanada Dab Hagar, Dab Qurun, Oodaale, Ceel Sabah oo ka kala tirsan magaalooyinka Wabxo iyo Ceelgaras oo hoostaga maamulka Galmudug.
Ciidamada isku dhafka ah ayaa burburiyay walxaha qarxa oo kooxda ay ku diyaarinayeen weerar ka dh犀利士 an ah xerada ciidanka, sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli howlgal dhinaca cirka ah uu ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Ceel Garas iyo Ceel lahelay ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo lagu dilay saraakiil sare oo ka tirsan Al-Shabaab.
In kasta oo laga adkaaday, Al-Shabaab waxa ay sii waddaa weerarrada ay ka fulinayso gudaha Soomaaliya iyo dawladaha dariska, kuwaas oo ay ku beegsanayaan dadka rayidka ah, dawladda Soomaaliya, iyo ciidammada Midowga Afrika ee Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya (ATMIS).
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo ku sugan jiidaha hore ee dagaalka ayaa kalsooni ka muujiyay in gulufkiisa cusub ee ka dhanka ah Al-Shabaab uu “ka adkaan doono” kooxda Islaamiga ah ee xiriirka la leh Al-Qaacida oo muddo dheer argagax ku haysay Geeska Afrika.
Bishii Agoosto 2022, Maxamuud wuxuu bilaabay “dagaal guud” oo ka dhan ah al-Shabaab. Wajigii hore ciidamada Soomaaliya ayaa isku uruursaday gobolada dhexe ee Hirshabeelle iyo Galmudug, iyagoo taageeraya beelaha deegaanka ee ka soo horjeeda Al-Shabaab.
Kooxdu waxay aragtay taageerada dadwaynaha ee meelahaas ka sii daraysa ka dib markii ay kor u qaadeen cashuuraha dadka deegaanka si ay u buuxiyaan khasaarihii ka soo gaaray hoos u dhaca dhaqaale iyo masiibooyinka dabiiciga ah, iyada oo aan tixgalinayn saamaynta siyaasaddu ku leedahay hab-nololeedka dadka.