15- September-2023

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa heerka ugu sarreysa ee billad geesinimo guddoonsiiyey Axmed Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud iyo Maxamed Cumar Xasan oo maanta naftooda u huray badbaadinta madaxda Galmudug, xildhibaannada federaalka iyo saraakiisha ku sugnaa deegaanka Laasgacameey. Dheeho.com
Dawlada Galmudug waxay si buuxda u kafaala qaadaysaa qoyska iyo ubadka naftood hurayaasha, waxayna waalidka dhalay uga mahad naqeysaa geesinnimada, nafhuridda iyo waddan jacaylka ay wiilashooda ku barbaariyeen.
Tallaabada ay geesiyaashu ku dhaqaaqeen wuxuu cashar u yahay cadawga khawaarijta ah ee ku soo duulay dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed.
