ATMIS oo wareejisay saldhig ku yaalla Shabeelaha Dhexe +

18- September-2023

Hawlgalka Midowga Afrika  ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa haatan bilaabay wajigii labaad ee dhimista ciidamada ka jooga Soomaaliya, iyadoo lagu wareejiyay Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed Saldhigga Biyo Cadde ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Saldhigga Biyo Cadde oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana hoos yimaada mas’uuliyadda ciidamada ATMIS ee Burundi (BNDF) ayaa ah mid istaraatiiji ah, maadaama uu ku yaalloa furinta difaaca ee magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabelle.

Munaasabadda wareejinta Saldhigga ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socday Hawlgalka ATMIS, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya (DFS) iyo xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOS.

Taliyaha Saldhigga Biyo Caddde ee ATMIS, Gaashaanle Dhexe Philippe Butoyi oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay in wareejinta mas’uuliyadda amniga ay cadeyn u tahay hoggaanka Soomaaliya ee dib u dhiska dalka, ilaalinta shacabka, iyo xaqiijinta amniga iyo xasilloonida.

“Waxaan marqaati ka nahay guulaha laga gaaray furimaha dagaalka oo ay ciidamada amaanka ee Soomaaliya ku muujiyeen awooddooda sii kordheysa ee ku aaddan sugidda amniga dalka. Waxaan aragnay ciidamada oo weeraray, qabsaday oo gacanta ku dhigay deegaano badan,” ayuu yiri Gaashanle Dhexe Butoyi.

Wuxuu intaas ku daray, “In ay Ciidamada Amaanka Soomaaliyeed oo si xirfad leh u tababaran oo si wanaagsan u qalabaysan ay yihiin kuwa wax ka beddelaya dagaalka lagula jiro argagixisada Soomaaliya.”

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Saldhigga Biyo Caddde, Saddex Xidigle Axmed Cali Taakow, ayaa saxiixay warqadaha wareejinta ee Saldhigga, taas oo cadayn u ah wareejinta mas’uuliyadda amniga, waxaana goob joog ka ahaa wakiil ka socday Xarunta dhexe ee Hawlgalka ATMIS, Gaashaanle Dhexe Edouard Nzohabonayo iyo, Madaxa UNSOS ee unugga Qorshaynta Kala-guurka, Patrick Duah, iyo Taliye Ku-xigeenka Waaxda Hawlgallada ee CXDS, Gaashaanle Muxudiin Axmed.

Wakiilka CXDS, Gaashaanle Muxudiin Axmed, ayaa uga mahadceliyey ciidamada ATMIS ee Burundi sida wanaagsan ee ay u suggeen amniga dowlad goboleedka Hirshabelle.

“Waxaad u hurteen naftiinna, dhiigiina ugu daatay si aad cadowga uga difaacdaan dhulkeenna. Idinka ayaa sabab u ah in aan hadda sii xoogaysanno, maantana waxaan la wareegaynaa mas’uuliyadda amniga ee Biyo Cadale,” ayuu yiri Gaashanle Axmed.

Leave a Reply