26- September-2023- Muqdisho

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa xasilinta caasimada ayaa lasoo sheegayaa inay gacanta ku soo dhigeen saddex nin oo la sheegay inay walxaha qarxa ku farsameynayeen guri ku yaalla agagaarka isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho sida ay ku warantay iddaacada Shabeelle Dheeho.com
Saddexda nin ayaa la sheegay in dhaawacyo ay soo gaareen, kadib markii uu ku qarxeen waxyaabihii ay farsameynayeen, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.