Beello kasoo jeedo Galgaduud iyo Hiiraan oo u heshiiyay Al-Shabaab

2- September-2023

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan壯陽藥 ayaa sheegaya in qabaa,ilka deegaano ka tirsan gobollada Galgaduud iyo Hiiraan, oo ku heshiiyay inay iska kaashaadaan la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab ay wadaan abaabulkii ugu dambeeyay iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo gobolka Hiiraan,

Beelahan oo yeeshay Shirweyne ka dhacay deegaanka Waradhuumaleh ayaa waxaa heshiis ku gaaray in si wadajir ah ay u galaan dagaalka ka socda labada gobol, si looga saaro Al-Shabaab deegaanada galgaduud iyo hiiraan

Heshiiskan waxaa goobjoog ahaa guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan, Xildhibaano uu kamid yahay Maxamed Abuukar Jacfar iyo mas’uuliyiin kale.

Galgaduud iyo Hiiraan ayaa kamid ah gobollada ay sida xooga leh uga socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo uu ujeedku yahay in laga saaro Galmudug iyo HirShabelle.

Leave a Reply