2- October-2023
Dadka ku dhaqan gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay jirto cabsi laga qabo in wabiga Shabeelle uu ku fataho deegaannada uu maro webiga, kaddib markii uu gaaray heerkii ugu xumaa.
Haddii tani dhacdo, waxay saameyn kartaa dadka deegaanka, gaar ahaan kuwa ku nool dhulka webiyada.
Maamulka deegaanka Fiidow ee gobolka Hiiraan oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in cabsi xoogan ay ka jirto deegaankaasi, maadaama uu wabiga buuxo.
Sidoo kale, waxa uu xusay inay digniin ka heleen Hay’adda SoDMA, isla markaana ay dedaalkooda ugu jiraan.
Inta badan Wabiga Shabelle ayaa ku fatahay deegaanada uu maro, waxaana fatahaadaasi ay saameyn ku yeelataa dadka deegaanka iyo beeraleyda.
Cabsida laga qabo fatahaadaha ayaa sii kordhaya iyadoo dhawaan hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka ay sheegtay in laga cabsi qabo in guud ahaan dalka ay ku dhufato duufaan xooggan oo lagu magacaabo EL Nino.
Waa duufaantii dhawaan ku dhufatay Liibiya iyo Koonfur Afrika. Waxaa laga cabsi qabaa in bisha Oktoobar ay soo gaa壯陽藥 rto Soomaaliya.
Wabiga Shabeelle ayaa fatahaad ka sameeyay deegaannada uu maro, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac qoysas dhowr jeer ah.