4- October-2023 Muqdisho

➡Ku dhawaad 70 ka tirsanaa khawaarijta oo lagu dilay miyiga deegaanka Shabeelow
Dagaal saacado badan qaatay oo ay wadajir u qaadeen Ciidamada xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Deegaanka ayaa jab xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta arxanka daran ee AS
Ciidamada ayaa saaka weerar xooggan oo jahooyin kala duwan ah ku qaaday Deegaanka Shabeeloow iyo miyiga hoos yimaada una dhaxeeya Deegaanada Caad iyo Camaara ee Gobolka Mudug halkaasi oo warar dheeraad ah laga helayo qasaaraha naf iyo maal ee loogu geystey khawaarijta.
➡Iyaga oo taageero ka helaya saaxiibada amniga ee caalamiga ah, Ciidanka Xoogga Dalka waxa ay tuulada Raydabley ka sifeeyeen shan ka mid ah argagixisada Alshabab , oo ay ku jiraan Faarax Yare, oo ah taliye sare iyo Maxamuud Xasan Kadiye (Biriq), oo ah hoggaamiye beeleed ay argagixisadu u magacaabeen mas’uul ka ahaa baadda sida Heyadda NISA shaaca ka qaaday goor dhawed Dheeho News Every Day
➡Horjooge iyo Maleeshiyaad lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose iyo hawlgal kale oo ka socda Shabeellaha Dhexe
Hawlgal ay iska kaashadeen Ciidamada Qaranka iyo saaxiibbada caalamiga ah ayaa lagu dilay horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa dabagalka ee gobolka Shabeellaha Hoose, labo maleeshiyo ah oo la socotay iyo xubin kale oo ay u adeegsan jireen soo uruurinta lacagaha baadda ah.
Horjoogahan oo lagu magacaabi jiray Faarax Yare iyo xubnaha kale ee wehlinayay ayaa hawlgalka lagu beegsaday xilli ay marayeen tuulada Raydableey oo u dhaxeysa deegaannada Mubaarak iyo Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose